4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Olole Nadaafadeed oo laga hirgeliyay Isbitaalka guud iyo degaannada kale ee degmada Laascaanood


Khamiis, January 24, 2013(HOL): Olole Nadaafadeed oo ay soo qaban-qaabiyeen fulinayeena dawladda Hoose ee degmada Laascaanood ayaa laga fuliyay Isbitaalka dhexe iyo qaybo kale oo ka mid ah degaannada dadka ka dhexeeya ee ku yaalla magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

 

Ololahan ayaa socda todobaadkii labaad oo ay dawladda hoose ballan-qaadday inay maalin kasta oo Khamiis ah samayn doonto. Waxaa ka hadlay Xoghayaha dawladda Hoose Cabdi Khayrre Dirir oo sheegay in ay tallaabadani tahay ballankoodii ay ka qaadeen dadweynaha.

 

Xoghayaha ayaa ka codsaday dadweynaha in ay bixiyaan canshuurta si ay u buuxiyaan baahida hawleed ee looga baahan yahay, una higsadaan horumar ay degmada ku soo kordhiyaan.

 

Sidoo kale C/qaadir Jaamac Saalax Duqa degmada Laascaanood ayaa isaguna sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay waxqabad buuxa u samayn lahaayeen, taasna loo baahan yahay inay bulshada Laascaanood ka caawiyaan.

 

Hawlaha ay wadaan dawladda Hoose ee degmada Laascaanood ayaa u muuqanaya mid soo jiidanaya bulsho weynta degan magaaladda Laascaanood oo si aad ah uga biyo diidanaa bixinta cashuurta taas oo sabab ay uga dhigaan kalsoonida maamulka Somaliland ay u hayaan oo liidata.

 

Dhanka kalena munaasibad lagu maamuusayay xuska dhalashada nabigeenii Suubanaa Muxamed N.N.K.H ayaa maanta ka dhacday Barxadda dugsiga hoose dhexe ee Darwiish ee magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

 


Munaasibaddani oo ahayd mid ballaaran, isla markaasna ay ka soo qaybgaleen madax ka tirsan maamul goboleedka Khaatumo oo uu hoggaaminayo madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel), waxgarad, aqoonyahanno, siyaasiyiin, culumaa’uddiin, haween, dhalinyaro, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ahayd mid lagu maamuusayey xuska dhalashada Nabi Muxamed N.N.K.H.

 

Munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen culimada Buuhoodle qaarkood ayaa waxaa ugu horreynba munaasibaddani ka hadlay Sheekh Cawil Abshir Xaashi oo ka mida culumaa’udiinka Buuhoodle, isagoona wax ka xusay muhiimadda ay leedahay maamuusidda xuska dhalashada nabiga N.N.K.H.

 

Waxaa iyana sidoo kale halkaasi ka hadlay madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel), oo ka warbixiyey maalintan waxaanun xusay in barashada diintu tahay mid qof kasta looga baahan yahay. Sheekh C/raxmaan Mursal Xaaji, iyo Sheekh Maxamuud Yuusuf Faarax, iyagoona dhammaantood ku dheeraaday xuska dhalashada nabigeena Muxamed N.N.K.H.

 

Waa markii ugu horreysey muddo dheer ee meel fagaare ah sidan oo kale loogu weyneeyo xuska dhalashada Nebigeenii Suubanaa ee Maxamed Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, taas oo ku soo gabgabawdey jewi deganaan ah.


 

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool