3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Baladweyne Tababbar uga furay Maleeshiyaad ku biiraya Ciidamada Dowladda


Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada maamulka degmada Baladweyne iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa tababar uga furay magaalada Baladweyne ilaa 1000 maleeshiyaad ah oo marka danbe la doonayo in ay ka mid noqdaan ciidamada maamulka dowladda ee gobollka Hiiraan.

Tababarkan oo la filayo in uu socdo mudo 45 cisho ah ayaa ayaa ka furmay xerada ciidamadii hore ee xoogga dalka ee  Lama-galaay oo qeyb ka mid ah ay hadda ku nool yihiin qoysas rayid laakiin lagu amray in ay mudo gaaban ku baneeyaan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in tababarka loo furay maleyshiyaadkani uu qeyb ka yahay dadaallada uu maamulkiisa ugu jiro sidii loo xoojin lahaa ciidamada dowladda ee gobolkaasi, islamarkaasina meesha looga saari lahaa in cid aan ka tirsanayn ciidamada dowladda ay hub ku dhex qaadato magaalada Baladweyn.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobollka Hiiraan Cismaan Dubad Sugule oo isna arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu tababarkani qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in lagu dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo mudo dheer bur bursanaa, simarkaa looga maarmo ku tiirsanaanta awoodaha shisheeye.

“Dabcan waa tiradii ugu badneyd oo tababar looga furo Baladweyne, marka ay soo dhameystaan waxaa ay si toos ah uga mid noqon doonaan ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Samatar Ducaale oo ah xiriiriyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya aan lagu dhax arki karin magaalada qof qori ku dhax sita oo aan ka aheyn ciidamada maamulka dowladda ee gobollka Hiiraan.

“Hadda mudo todobaad ah ayaa maleeshiyaadka la soo ururinayaa oo la xareynayaa, wixii xiligaa ka danbeeya lama ogolaan doono in la arko qof qori sita oo isaga dhax lugeynaya magaalada,’’ ayuu yiri Samatar Ducaale.

Waxaa uu intaa ku darray Samatar in marka ay soo dhameystaan tababarka maleeshiyaadka hadda la xareynayo ka qeyb-qaadan doonaan sugida amniga magaalada iyo guud ahaan gobollka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada maamulka baladweyne iyo kuwa Jabuuti ayaa horay u tababaray maleeshiyaad ay soo ururiyeen odayaasha dhaqanka beelaha, kuwaasoo hadda qeyb weyn ka qaadanaya sugidda amniga magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
1/24/2013 3:49 PM EST
Khamiis, January 24, 2013(HOL): Ururka Adal Unity & Development ee Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ayaa maanta deeq raashina soo gaadhsiiyay Dhakhtarka dhimirka Boorama, deeqdaas oo ahayd lacag dhan $550 oo Dollarka maraykanka ah, taasoo loogu badaly raashin dhan 34 Kiish oo Bariis ah oo ay kiishkiiba ku jiraan 25Kg.

1/24/2013 3:45 PM EST
Khamiis, January 24, 2013(HOL): Olole Nadaafadeed oo ay soo qaban-qaabiyeen fulinayeena dawladda Hoose ee degmada Laascaanood ayaa laga fuliyay Isbitaalka dhexe iyo qaybo kale oo ka mid ah degaannada dadka ka dhexeeya ee ku yaalla magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

1/24/2013 12:42 PM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay Khamiista maanta ah inaysan Al-shabaab kala xaajoon doonin la-haystayaal dalkeeda u dhashay oo ay Al-shabaab ku goodisay inay dili doonaan muddo saddex toddobaad gudahood ah, haddii aanay xukuumadda Kenya sii-dayn muslimiin ku eedeysan argagaxisonimo oo ku xir-xiran xabsiyada dalkaas.

1/24/2013 7:52 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray demada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

1/24/2013 7:25 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno wasiirro ah ayaa ka qaybgalay maanta Khamiis ah xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay aqoonsigii Mareykanku siiyay dowladda Soomaaliya oo lagu qabtay hoteel ku yaalla Muqdisho.

1/24/2013 7:12 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) —Laba askari oo ka mid h ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sida ay saxaafadda u sheegeen saraakiisha ammaanka ee degmadaas, iyadoo mid kalena lagu dhaawacay isla weerarkaas.

1/24/2013 7:04 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Magaalada Hargeysa ayaa maanta si weyn looga xusay dhalashadii Nebigeenii Maxamed (NNKHA) oo ku began taariikhdda Hijriyadda 12-ka Rabiicul Awal 1434.

1/24/2013 2:25 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) —Xarakada Al-shabaab ayaa war ay soo saartay Arbacadii shalay ku sheegtay inay dilayso la haystayaasha Kenyanka ah ee ay gacanta ku hayso, haddi dowladd Kenya aysan xabsiyadeeda kasii dayn dhammaan dadka u xirxiran eedeymaha argagaxisonimada ee ku jira xabsiyadooda.

1/24/2013 2:24 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay si dhaqso ah kusii dayso wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim iyo saddex qof oo kale kuwaasoo u xiran arrin la xiriirta haweeney sheegtay inay kufsi u geysteen ciidamada dowladda Soomaaliya.