4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Madaxweynaha dalka Eritrea oo ka badbaaday Afgambi ay xukunka kaga tuuri lahaayeen boqolaal askari oo gadooday

Eritrea's President Isaias Afwerki - Reuters
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Isku-day ciidamada dalka Eritrea ay ku doonayeen inay ku afgambiyaan madaxweynaha dalkaas, Isaisa Efwerki ayaa la sheegay inuu fashilmay, kaddib markii ciidamada dowladda ay la wareegeen shalay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Sida ay sheegayaan wararka laga soo warinayo Asmara sheegay in 200 oo askari ay la wareegeen wasaaradda warfaafinta dalkaas, iyagoo ka sheegay warbaahinta dalkaas inay doonayaan in lasii daayo siyaasiyiinta xabsiga ku jira.

Ciidamadii la wareegay wasaaradda warfaafinta ayaa la rumeysan yahay in qaarkood la qabtay oo la xiray, iyadoo telefishinka dalkaas uu dib hawada ugu soo laabtay kaddib markii uu xalay hawada ka maqnaa.

Wargeyska New York Times ayaa kasoo xigtay dad ku sugan Asmara inuu fashilmay isku daygii lagu doonayay in lagu afgambiyo madaxweyne Isaisa oo la sheegay inuu yahay nin xukun adag. Balse xukuumadda Eritrea ayaan weli ka hadlin isku daygaas fashilmay.

Siyasiyiin ka hadlya afgambigan fashilmay ayaa waxay sheegeen inuu daaha ka rogayo in la nacay xukunka hoggaamiyaha kali-taliska ah ee Afwerki oo dalkaas maamulayay muddo 20-sano ku dhow.

“Tani waa su’aal caddeyn u ah xaaladda go’doonka ah ee ay Eritrea hadda ku jirto, waxaana hubaal ah in kacdoonnada noocan oo kale ay soo laaban doonaan,” ayuu yiri siyaasi magaciisa qariyay oo la hadlay Reuters isagoo ku sugan magaalada Asmar.

Gabar uu dhalay Afwerki ayaa sheegtay inay ku sugnayd gudaha dhismaha wasaaradda warfaafinta markii ciidammo gadoodsan ay hareereeyeen xaruntaas, iyadoo intaas ku dartay in xalaaddu ay ahayd mid walaac uu ka buuxo.

Dalka Eritrea ayaa waxaa ku xiran siyaasiyiin tiradoodu u dhexeyso 5,000 illaa 10,000 oo qof, iyadoo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay cambaareyn dusha kaga tuureen xariga siyaasiyiintan, waxaana sidoo kale Mareykanka uu cunno-qabteyn kusoo rogay dalkan oo ka mid ah dalalka bariga Afrika, kaddib markii lagu eedeeyay inay taageerto Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya