3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Mahiga

Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjie Augustine Phillip Mahiga.

Mudane Saacid iyo Mahiga ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreysay horumarrada xukuumada, aqoonsiga dowladda Mareykanka, difaaca xuquuda aadanaha iyo dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen ra’iisal wasaaraha wakiilka ayaa waxay ku faahfaahiyeen ujeeddada kulankooda iyo natiijooyinkii kazoo baxay.

 “Wakiilka xoghayaha guud ee arrimaha Soomaaliya, waxaan kawada-hadalnay waxyaabo badan oo ay ku jirto dadaallada caalamku wado ee ku aadan horumarka iyo taageerada xukuumadda, wuxuuna inoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Saacid oo xusay in danjiraha uu ugu hambalyeeyay aqoonsigii ay dowladda Mareykanka u muujisay dowladda Soomaaliya. 

Sidoo kale, ra’iisal wasaaruhu wuxuu intaas ku daray inay kawada hadleen dhawrista xuquuqda aadanaha, gaar ahaana ka hortagga falalka ka dhanka ah suxufiyiinta iyo dumarka.

“Dowladdu waxay illaalinaysaa isla markaana xushmad gaar ah u heysaa bahda warfaafinta oo iyagu u dhabar adeygay sidii ay bulshadooda iyo bulshada caalamka ugu bandhigi lahaayeen xaaladaha dhabta ah ee ka jira dalkeena,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare Saacid, isagoo si gaar ah u xusay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxo uu ku tilmaamay Iimaan-laawayaal ku xadgudba sharafka gabdhaha Soomaaliyeed.

Wakiilka xoghayaha guud oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa u sheegay warbaahinta inuu ku faraxsan yahay inuu maanta la kulmo isagoo ka wakiil ah Qamarada Midoobay, isagoo ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay inuu yahay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soonaaliya ee rasmiga ah, isagoo sidoo kale xusay inuu ku yimid hab dimuqraaddi ah.

“Waxaan rabaa inaan hortiinna ka caddeeyo in Qaramada Midoobay ay aad u taageersan tahay dowladda Soomaaliya oo ah dowlad matalaysa shacabkeeda,” ayuu yiri danijre Mahiga oo xusay in Qaramada Midoobay ay ballan-qaadeyso inay gacan ka geysanayso dib u dhiska dalka iyo hay’addihii dowladda.

Danjira Mahiga ayaa tilmaamay in ay dowladda ka taageerayaan dib u dejinta barakacayaasha gudaha dalka ee tiradoodu gaareyso hal milyan ayna nus malyuun ka mid ah ay ku nool yihiin magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, danjire Mahiga ayaa uga mahadceliyay madaxda dowladda Soomaaliya sida ay u muujiyeen siyaasada cad ee ay dowladdu fulineyso wuxuuna hoosta ka xariiqay inay aad ula dhacsan yihiin wadajirka iyo hufnaanta ay muuiyeen.

Ugu dambeyntii, ra’iisal wasaaraha ayaa si gaar ah ula kulmay Warbaahinta gudaha iyo dibadda isagoo si dhow u weydiiyay tabashadooda iyo dhibka haysta, waxayna warbixin dheer ka siiyeen aragtidooda ku aadan sida ay ula dhacsan yihiin dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay sameynayso, iyagoo ka hadlay falalka liddiga ku ah suxufiyiinta oo ay codsadeen in laga hor-tago falalkaas. Isagoo ra’iisul wasaaruhu ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan guddi u hadla bahda warbaahinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/22/2013 1:33 PM EST
Talaado, January 22, 2013(HOL): Kooxaha Kubadda Kolayga dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo dalka Tanzania ayaa uga qeybgelaya tartanka Fiba Zone V ayaa ciyaar labada kooxood maanta dhexmartay waxaa ku adkaaday xulka Kubadda Kolayga dalka Soomaaliya.

1/22/2013 12:47 PM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, ahna guddoomiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in la joogo xilligii maamul loo sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka.

1/22/2013 12:19 PM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Isku-day ciidamada dalka Eritrea ay ku doonayeen inay ku afgambiyaan madaxweynaha dalkaas, Isaisa Efwerki ayaa la sheegay inuu fashilmay, kaddib markii ciidamada dowladda ay la wareegeen shalay xarunta wasaaradda warfaafinta.

1/22/2013 7:17 AM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciiidamada qalabka sida ee dowladda Somalia ayaa maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku kala eedeysnaa dil iyo dhibaato ay shacabka u geysteen.

1/22/2013 7:14 AM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle ayaa imtixaankii ugu horreeyay u soo gabagabeysay ardayda wax ka dhigta, kuwaasoo tiradoodu ay ka badan boqol arday.

1/22/2013 6:23 AM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyoodey AHN madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Xasan Daahir Maxamuud Af-qurac. Marxuumka ayaa u geeriyoodey xanuun uu la jiifey 6-dii bilood ee ugu dambeysey.

1/22/2013 6:21 AM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ( Cabdiraxmaan Xoog) oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sheegay in aanu la shaqayn dawladda Soomaaliya, balse ay jirtay inuu wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Foosiya Yuusuf uu madaarka Berbera kula kulmay sifiican usoo dhoweeyey.

1/22/2013 4:55 AM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) —Madaxweeyne Dalka Mareykanka Brack Obama ayaa xalay markale loo caleemo saaray xilka madaxtinimo ee dalka Mareeykanka, iyadoona xafladda caleemo-saarka ay kasoo qeybgaleen kumaannaan qof oo u dhalatay dalkaasi.

1/22/2013 3:03 AM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay dowladda Kenya ka ogolaatay inay joojiso in qoxootiga ay si khasab ah uga saarto magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

1/22/2013 2:58 AM EST
Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Nin waxyaabaha qarxa ay ku xiran yihiin ayaa xalay ku qarxay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo qaraxaas uusan geysan wax khasaare nafeed ah oo dhaafsiisan ninkii qarxay.