4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Dowladda Somalia oo xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday Askar

Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciiidamada qalabka sida ee dowladda Somalia ayaa maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku kala eedeysnaa dil iyo dhibaato ay shacabka u geysteen.

Ciidamada la xukumay oo afar askari ahaa ayaa waxaa mid ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah kaasoo lagu eedeeyay inuu dilay ruux shacab ah, iyadoo saddexdii kalena oo midkood uu ka maqnaa xabsiga lagu xukumay xabsiyo u dhexeeya shan sano illaa 20-sano.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Liibaan Cali Yaroow oo saxaafadda la hadlay xukunka kaddib ayaa sheegay in ciidamadan la xukumay dhammaantood lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

“Dambiilayaasha la xukumay waxay kala ahaayeen:  Cfataax Xasan Maxmed, oo dil toogasho ah lagu xukumay iyo Xuseen Tarmuus (Tuug-bidaar) oo aan ku sugnayn maxkamadda, Aadan Cabdi Yabaroow iyo  Cabdullaahi Xasan Gacal oo dhamaantood lagu xukumay xabsi ciidan,” ayuu yiri Col. Liibaan Yaroow.

Xukunkan ayaa noqonaya kii labaad oo maxkamadda ciidamadu ay ka fuliso degmada Jowhar oo sannadkii hore dhammaadkiisa ay ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda inay ka digtoonaadaan falalka ka dhanka ah shacabka iyo kuwa wax u dhimaya ciidanka, isagoo xusay in askarigii lagu helo dambi uu mudan doono ciqaab adag.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya