4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Ardaydii u horreysay oo loosoo gabagabeeyay Imtixaanka Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Buuhoodle

Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle ayaa imtixaankii ugu horreeyay u soo gabagabeysay ardayda wax ka dhigta, kuwaasoo tiradoodu ay ka badan boqol arday.

C/qaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah barayaasha jaamacadda Bariga Afrika ayaa sheegay in ardayda imtixaanka uu u soo xirmay ay dhigtaan laba kulliyadood oo kala ah: kulliyadda shareecada Islaamka iyo PPA, ayna rajeynayaan in tirade ardaydu ay intaas ka badato sannadka soo socda.

Jaamacadda ayaa bartamihii sannadkii aan soo dhaafnay si rasmi ah loogu dhawaaqay iyadoo jaamacaddu ay ahaan jirtay machad lagu barto diinta Islaamka, balse waxay kor-u-kac samaysay markii jaamacadda Bariga Afrika ee xarunteedu tahay magaalada Boosaaso ay ogolaatay inay farac ka faafa noqoto.

Arday badan ayaa ku qanacsan inay wax ka bartaan jaamacaddan iyadoo ay awood u waayeen inay aadaan meelo ka fog deegaanka si ay u sii wataan waxbarashadooda heerka sare ah, inkastoo ay weli jiraan qaar kale oo kulliyadihii ay jeclaan lahaayeen aan weli ka helin jaamacadda Buuhoodle oo haatan jirsatay sannad barkiis.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool