3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo kulan ay yeesheen uga hadlay Maamul u sameynta Deegaannadii Al-shabaab laga saaray

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) —Golaha wasiiradda dowladda Soomaaliya ayaa maanta shir ay isugu yimaadeen waxay uga hadleen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin: maamul u sameynta gobollada, xaslinta dalka iyo sidii loo soo celin lahaa dhulka iyo hantida dowladda ee gacanta ugu jira shacabka.

Shirkan oo guddoominayay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa markii lasoo gabgabeeyay waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta, Cabdulaahi Abyan Nuur isagoo ka warbixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay.

Golaha ayaa ka dooday sidiil- loo dardar-galin lahaa qorshaha nabad-galyada iyo dib-u-xasilinta dalka, kaasoo soo billowday xiligii lagu jiray KMG-nimada. Waxaana lagu wargaliyey wasaarad kasta inay soo magacowdo guddi ku matalaya kasoo tala-bixinta iyo dhameystirka qorshaha ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.

Sidoo kale, golaha wasiirradu waxay kusoo qaadeen kulankooda sidii loogu samayn gobollada iyo dagmooyinka laga saaray Al-shabaab maamullo KMG ah. Waxaana howshaas loo xilsaaray wasaaradda arrimha gudaha, wuxuuna sidoo kale goluhu dib u dhigay hindisa ay soo gudbisay wasaarada arrimaha gudaha kaasoo ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee loogu dhisayo gobollada iyo degmooyinka dalka maamullo, iyadoo goluhu isku raacay in Khamiista soo socota cod loo qaado sharcigaas.

Ugu dambeyn, golaha wasiiradda ayaa isku raacay inaysan waxba ka jirin dhammaan dhulalka dowladda ee la iibsaday, la bixiyay, lana kireeyay wixii ka danbeeyey 1990-kii, waxaana xukuumaddu u xil-saartay baaritaanka arrintaan guddi gaar ah, gudigaas oo ka kooban shan wasaaradood oo kala ah: wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda howlaha guud, wasaaradda garsoorka, wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradda gaadiidka, iyadoo guddigan ay hoggaaminayso wasaaradda arrimaha gudaha.

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay toddobaadkiiba yeeshaan laba shir oo kala dhaca maalmaha Isniinta iyo Khamiista waxayna kaga hadlaan arrimhii ugu dambeeyay ee dalka iyo howlaha horyaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/21/2013 11:51 AM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel) ayaa shir jaraa`id oo uu maanta ku qabtay magaalada Buuhoodle wuxuu ku taageeray aqoonsiga buuxa ee dowladda Mareykanku ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya.

1/21/2013 11:33 AM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) —Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii shalay ahayd ku xoojisay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Carraale Duur ku xoojisay laba wasiir iyo guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye, iyadoo xukuumaddu ay wafdigan u dhiibtay fariin ka duwan fariintii ay beesha Ciise ka diidday wasiirka arrimaha gudaha.

1/21/2013 11:10 AM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay wejigii labaad ee mashruuc lagu horumarinayo dawladaha hoose ee degmooyinka Somaliland, kuwaas oo socday shantii sanno ee hore.

1/21/2013 8:50 AM EST
Isniin, Jannaayo, 21, 2013 (HOL) -- Wafdi ka tirsan hay’addaha samafalka QM ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baladweyne, kuwaasoo kala hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobollka xaaladaha amniga magaalada.

1/21/2013 8:43 AM EST
Isniin, Jannaayo, 21, 2013 (HOL) -- Jaamacada Plasma oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn ee ka dhisan dalka Soomaaliya ayaa faraceeda magaalada Baladweyne waxaa maanta Imtixaan u fariisatay in ka badan 100 arday ah.

1/21/2013 7:33 AM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda ayaa loo qaybiyey xeerka takaalifta madaaradda oo si weyn uga qayliyeen xildhibaanadda golaha Wakiiladda.

1/21/2013 7:24 AM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta boqolaal ruux kala qaybgalay banaanbax ballaaran oo ay ku taageerayeen go’aankii dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay dowladnimada Soomaaliya muddo laga joogo 22-sano.

1/21/2013 3:16 AM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaanahan safar ku joogay dalka Mareykanka ayaa xalay gaaray magaalada Riyaadh ee dalka Saudi Arabia, halkaasoo madaxweynuhu uu uga qaybgeli doono shir looga hadlayo dhaqaalaha dalalka Carabta.

1/21/2013 2:42 AM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) iyo wefdi uu horkacayo oo maalntii 5aad booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxda Jabuuti.

1/21/2013 2:42 AM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah haweenka kasoo jeeda gobollada Awdal, Selel iyo Gabiley ee ku noool magaalada Ottowa ee dalka Kanada ayaa deeq lacageed oo gaaraysa $2,260 doollar soo gaarsiiyay dadkii ku waxyeeloobay bannanbaxyadii ka kala dhacay degmooyinka Saylac, Boorama Iyo Lughaya.

1/20/2013 11:56 PM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyay aqoonsigii ay dowladda Mareykanku siisay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay aqoonsigan mid horay u sii riixi kara xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

1/20/2013 11:55 PM EST
Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa ictiraafay uu Mareykanku siiyay dowladda Soomaaliya ku tilmaamay dharbaaxo indhaha looga riday Somaliland, waxaanu Mareykanka ugu baaqay inuu qiimeeyo Somaliland iyo maamul-goboleedyada kale oo nabad kusoo dabbaalay deegaannadooda intii ay Koonfurta Soomaaliya qasnayd.