4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
In ka badan 100 arday oo Imtixaan u fariisatay Jaamacada Plasma Faraceeda Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan


Isniin, Jannaayo, 21, 2013 (HOL) -- Jaamacada Plasma oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn ee ka dhisan dalka Soomaaliya ayaa faraceeda magaalada Baladweyne waxaa maanta Imtixaan u fariisatay in ka badan 100 arday ah.

Maamulaha Jaamacada Plasma ee magaalada Baladweyne Abuukar C/dulle Muumin ayaa HOL u sheegay in ardayda maanta Imtixaanka u fariisatay isugu jiraan kuwa dhigta caafimaadka [Nursing] iyo ardayda barata maamulka gancsiga [Business Administration.]

‘’Ardayda hadda Imtixaanka u fadhisa waxaa ay isugu jiraan kuwo uu u soo xirmayo simistarkii shanaad oo labo sano iyo bar waxbarashada soo waday, iyo qaar kale oo dhameysanaya simistarkii sadaxaad oo waxbarashada soo waday hal sano iyo bar,’’ ayuu yiri Abuukar C/dulle.

Ardayda ayaa la arkayaa ka hor inta aysan Imtixaanka u fariisan iyaga oo lagu sameynayo baritaan la xiriira in laga ilaaliyo ardayga wax kasta oo u sahli kara in uu si fudud uga gudbo Imtixaanka, waxaana jira macalimiin si gaar ah isha ugu haya dhaq dhaqaaqa ardayga inta uu Imtixaanka u fadhiyo.

‘’Ardayga baaritaan ayaan ku sameynaa, sidoo kale lama ogola in uu gudaha fasalka la galo xitaa telfoonkiisa gacanta, waa in uu ardayga isku kalsoonadaa,’’ sidaa waxaa yiri Suleymaan Khaasim Yacquub oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta Jaamacada.

Imxitaanka ay u fadhiyaan ardayda Jaamacada Plasma faraceeda magaalada Baladweyne ayaa socon doona mudo hal todobaad ah iyadoo wixii xiligaan ka danbeeyana ay ardaydu gali doonaan bil fasax ah, waxaana ay Jaamacadu dib u furmi doontaa horaanta bisha Marso ee nagu soo foolka leh.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa ilaa iyo hadda ka dhisan ilaa sadax Jaamacadood oo ay ka mid tahay Plasma University oo shaqeysa todobaadka oo idil, gaar ahaan maalmaha Khamiista iyo Jimcaha waxaa ka faa’ideysta Jaamacada dadka aan farusada heli karin maalmaha kale.

Qaar ka mid ah ardayda oo HOL wax ka weydiisay sida ay u arkaan Imtixaanka ay u fadhiyaan, waxaa ay sheegeen in ay siweyn ugu faraxsan yihiin mar haddii iyaga oo jooga magaalada Baladweyne ay heli karaan waxbarasho heer Jaamacadeed ah.

\

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya