4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2013
Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacayo

Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyeyna booqasho ku marayey qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland, ayaa maanta gaarey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Boqollaal dadweyne ah oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa wefdiga Gen. Cadde kaga hortegey duleedka magaalada, islamarkaana usoo dhoweeyey si heer sare ah iyaga oo ruxayey calammo iyo caleemo qoyan.

Waxaana intaas kadib loosoo gudbiyey goobta loogu tala galay in uu dego, halkaasoo uu warfidiyeenada si kooban ugula hadlay, isagoo ka warbixiyey ujeedada socdaalka uu magaalada Gaalkacayo kusoo gaarey.

Jeneraalka ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay nabadeyn, sababta ugu weyn ee uu xiligan dalka ugu soo laabtayna ay tahay sidii Puntland looga badbaadin lahaa burbur iyo xasilooni darro.

Wuxuuna intaas raaciyey in inta uu Puntland joogo uu la kulami doono dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sida: Isimada, siyaasiyiinta, culimaa'uddiinka, haweenka iyo dhalinyarada.

Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde) oo isagu ah madaxweynihii ka horeeyey Dr. Cabdiraxmaan Faroole wuxuu caan ku yahay nabadeynta, isagoo lagu xusuusto heshiiskii ay wada gaareen AHN Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Jen. Cadde Muuse wuxuu socdaalkiisa Gaalkacayo kahor soo maray magaalooyinka Qardho, Garoowe iyo magaalada Boosaaso oo uu kula kulmay madaxweynaha Puntland Dr. Faroole iyo madax kale oo ka tirsan dowladda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya