4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Qayb-galay kulan uu Xisbi Mucaarad ah ku qabtay Muqdisho


Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda oo ah xisbi mucaarad ah ayaa maanta ku qabtay Muqdisho kulan ay ka qayb-galeen xildihbaanno ka tirsan baalamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb-galeen kulankaas madaxda xisbiyada kale ee dalka ka jira.

Xoghayaha guud ee xisbiga Nabada iyo Dimoqraadiyadda (SPDU), C/salaan Maxamed Siyaad oo hadal ku furay kulanka ayaa ka sheekeeyay marxaladdii uu soo maray xisbiga, isagoo xusay in xisbigan lagu aasaasay sannadkii 2010 magaalada Bermingham oo dalka Ingiriisa isla markaana loo soo raray Muqdisho sannadkii 2011-kii.

“Qaab-dhismeedka xisbiga waa gole heer Qaran, wuxuuna ka kooban yahay hoggaan leh gole dhexe iyo guddi fulin, wuxuuna leeyahay laamo heer gobol iyo heer degmo ah, SPDU maaha xisbi qabiil iyo xisbi goboleed waa xisbi ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed oo dhan, kuna shaqeeya mabaadii’ u gaar ah oo ku dhisan nabad, caddaalad iyo horumar, ma ahan xisbi hubeysan balse waa mucaarad u taagan wax toosin,” ayuu yiri xoghayaha guud ee SPDU.


Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa xildhibaannadii ka qayb-galay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qayb-galka kulanka, wuxuuna xusay in xisbiga SPDU uu ka mid yahay xisbiyadii ugu horreeyay ee dalka ka bilaabay dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo isbaheysiyo aan hubeysaneyn oo ujeeddadoodu tahay in wax la toosiyo, talada dalkana laga wada tashado.

“Madaxweynaha hadda xilka haya wuxuu kasoo jeeda isbaheysiga uu xisbiga SPDU ka tirsan yahay, waxaana ka dalbaneynaa inuu kasoo baxo balan-qaadkiisii ahaa inuu axsaabta siyaasadeed ee dalka siinayo muhiimad gaar ah, maadaama lasoo wada hal-gamay, haddii laga waayo inuu qabto wuxuu shalay ballan-qaaday in la mucaarado oo la tusiyo qaladaadkiisa,” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Sidoo kale, xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna ka hadashay kulanka ayaa tiri: “Haddii lagu yiraahdo shaatigaaga toosiso ama waxaas ayaa kaa qaldan  macnaheedu ma ahan in cadow lagugu yahay ee adigaa lagu toosinayaa si aad isku saxdo, marka mucaarad aan hubeysnayn hadduusan jirin dowladnimo fiican lama gaarayo, sababtoo ah mucaaradka meesha ay wax ka qaloocan yihiin ayuu farta ku fiiqaa.”


Ubax Tahliil oo guddoomiye u ah garab ka mid ah garabyada uu u kala jabay ururka haweenka Qaranka Soomaaliyed oo halkaas ka hadashay ayaa xustay inay wanaagsan yihiin xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka abuurmaya iyadoo aad u soo dhaweysay in xukunka lagu raadiyo hab ku dhisan xisbiyo iyadoo codka dadweynaha lagu raadinayo si nabad ah.

“Xisbiyada dalka ka abuurmaya haweenku waa ku yar yihiin, waxaan kula talinayaa inay haweenka siiyaan 50% xubnaha xisbiyada maadaama ay dumarku kaalin hore kaga jiraan nabadeynta iyo xasilinta dalka,” ayay Ubax Tahliil hadalkeeda raacisay.

Guddoomiyaha Xisbiga SPDU, C/llaahi Sheekh Xasan oo ugu dambeynti ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo ku aaddan sanadka cusub ee 2013-ka u diray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, wuxuuna dowlada ka dalbaday inay ciidamada AMISOM ay ku darto diiwaanka taariikhda Soomaaliya.

“Waxaan ka digeynaa ciidamada aan ka tirsaneyn booliska, nabad-suigidda iyo milateriga ee xukuumaddu sheegtay in loo sameeynayo sugida amniga Muqdisho, maxaa yeelay dastuurku ma qorna inay jiraan ciidmmo ka duwan kuwa dowaldda ee la yaqaan, waxaa qabnaa taas bedelkeed sare loo qaado tayadaa ciidamada booliska iyo nabad-sugidda dowladda,” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.


Guddoomiyaha xisbiga nabada iyo dimoqraadiyada ayaa ku amaanay golaha wasiirada ee lagu dhisay nidaamka shanta beelood oo siman xilli dowladdu ay ku dhisan tahay nidaamka 4.5, sidoo kale baarlamaanka ayuu isagana ku ammaanay sida ay dib ugu celiyeen miisaaniyadda ayna u ansixiyeen markii laga soo bedelay waxyaabihii ay ka doodayeen.

“Waxyaabaha dhaliisha ah ee weli miisaaniyada nooga muuqda waxaa ka mid ah sida loo yareeyay lacagaha loo qoondeeyey adeegyada bulshada sida waxbaarshada, caafimaadka, biyaha iyo nadaafada, waxaana haboonaan lahayd in adeegyadaas dhaqaale badan lagu bixiyo maadaama aad loogu baahan yahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay guddoomiyaha SPDU.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya