4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2013
Ganacsatada iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo laga dalbaday inay ka qayb-qaataan dayactirka Tiyaatarka Muqdisho
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed ee gudaha ku sugan iyo Qurbo-joogta Soomaalida ah ee dibadaha ku nool inay qayb ka qaataan dib u dhiska golaha murtida iyo madadaalada Muqdisho (National Theater).

Guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inuu tiyaatarku ka mid yahay xarumaha muhiimka ahaa ee ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

"Tiyaartarka ama golaha murtida iyo madadaaladu wuxuu ka mid yahay goobaha ay dadweynuhu isugu imaan jireen, waxaana dadka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan looga baahan yahay inay qayb ka qaataan dib u dhiskiisa," ayuu yiri Tarsan oo intaas ku daray in sidoo kale dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka qaataan qaybtooda dib u dhiska dalka oo dhan.

Golaha Murtida iyo madaddaalada Muqdisho ayaa waxaa dib loo furay bishii Maarso ee sannadkii hore, kaddib 21-sano oo uu xirnaa, iyadoo xafladihii ugu horreeyay oo lagu qabtay uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen madaxdii Isboortiga Soomaaliyeed.

Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ayaa khasaare xooggan u geystay tiyaatarka oo markii hore ahaa mid aad u burbursan, iyadoo hay'adda CRD ay bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay ay qaybo ka mid ah tiyaatarka ku sameysay dayactir.

Lama oga sida ay jawaab uga bixin doonaan ganacsatada Soomaaliyeed ee gudaha iyo qurbo-joogta dalabka ka yimid maamulka gobolka Banaadir ee ku saabsan ka qayb-qaadashada dayactirka golaha murtida iyo madadaalada Qaranka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya