3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Aqoonsiga uu Mareykanku siiyay Soomaaliya iyo dhibaateynta Suxufiyiinta

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga ay dowladda Mareykanka aqoonsatay dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka hadlay dil shalay loogu geystay Muqdisho wariye iyo sidoo kale wariye kale oo xiran.

Mudane Saacid ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siisay dowladda Soomaaliya uu albaabbada u furayo in dalal badan oo caalamka ka tirsan ay aqoonsadaan, isagoo xusay inay tani dhiirrigelinayso horumar ay muddo yar ku tallaabsato Soomaaliya.

“Aqoonsiga dowladda Mareykanka wuxuu irdaha u furayaa in dalal kale oo aan horay u aqoonsan dowladda Soomaaliya ay aqoonsadaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka intooda badan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dalalka caalamka oo dhan looga baahan yahay inay maraan jidkii uu Mareykanku maray, isagoo xusay in tani ay billow u tahay in Soomaaliya ay ka baxdo aqoosi la’aantii soo jirtay muddada dheer.

"Dadaalka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ayaa ka dambeeyay in Mareykanku uu aqoonsado dowladda Soomaaliya; waayo waxaan dhisanay oo aan yeelanay dastuur, baarlamaan dimuqraaddi ah, xukuumad iyo weliba madaxweyne isbedel doon ah," ayuu yiri Saacid oo uga mahadceliyay dadka iyo dowladda Mareykanka aqoonsiga ay siiyeen Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri: “Waddamada IGAD ayaa horay noo aqoonsaday, kuwaasoo aan dhihi karo maba aysan suuro-gasheen in Soomaaliya ay gaarto halka aynu maanta marayso,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisal wasaare Saacid ayaa ka hadlay xarigga wariye C/casiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo toddobaadkii labaad ku jira xabsiga dowladda, wuxuuna ku tilmaamay in arrintani uu aad isugu howlay sidii loo soo gabgabeyn lahaa, hay’addaha amniga iyo maxkamadana uu faray in si deg-deg ah kiiskan loosoo afjaro, haddii uu dembi ku cadaado warriyahana la waafajiyo sharciga, haddii uu ku cadaan waayana, sharciga lagu qaado. Mar uu ka hadlay dilka wariye ka tirsanaa idaacadda Shabelle loogu geystay Muqdisho shalay oo Jimco ahayd ayaa wuxuu yiri: "Aad baan uga xumahay dilka wariye Cabdi-xareed Cismaan Aadan; aad bay ii taabatay waxaana muragadaas la qaybsanayaa ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday," ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaiya wuxuu shirkiisa jaraa’id kusoo gabgabeeyay in xukuumaddu ay ilaalinayso ayna dhowrayso xorriyadda hadalka iyo mida saxaafadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/19/2013 12:10 PM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo tiradooda ay gaarayso 160-askari booliis ah ayaa wuxuu tababar uga furmay maanta oo Sabti ah xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamarreeb, tababarkaas oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

1/19/2013 12:09 PM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla Koonfurta dalka Yemen ayaa maanta oo Sabti ah ku xukuntay saddex ruux oo Soomaali ah min 10-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inay afduubeen gacanka Cadan ka afduubeen dooni ganacsi.

1/19/2013 7:53 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Cabsi weyn ayaa saqdii dhexe ee xalay soo wajahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaddib markii duleedka Koonfur-barri degmadaas uu dagaal xoogan oo muddo kooban ku dhexmaray ciidamada Somaliland oo halkaas fariisin ku lahaa iyo ciidammo taabacsan maamulka Khaatumo.

1/19/2013 7:21 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Boqollaal qoys oo dhawaan ka barakacay dagaallo iyo duqeymo jaziiradda Kudhaa ee gobolka jubada hoose ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhibaateeysanyihiin deegaano ku dhow-dhow Jaziiradaasi.

1/19/2013 7:15 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof ka sameeyay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir. Iyadoo sidoo kale uu dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay sarkaalkii amaanka degmada Jowhar ee Al-shabaab.

1/19/2013 2:47 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa xalay kula hadlay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dadweyne Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 5,000 oo qof.

1/19/2013 2:45 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ku wareejisey qaboojiye loogu tala galay in dadka meydka ah la geliyo.

1/19/2013 1:59 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo xoogagga al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

1/19/2013 12:02 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay dhibaatooyinka loo geysto haweenka oo ay ka mid yihiin kufsiga iyo guurka khasabka ah ee lagula kaco haweenka Soomaalida, iyadoo la sheegay in qofkii dambigaas lagu helo loo gudubin doono maxkamadda caalamiga ah si loogu ciqaabo dhibaatadii uu haweenka Soomaaliyeed u geystay.

1/19/2013 12:00 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa la filayo inuu maanta uu soo xiro wada-hadal afarta maalmood qaatay oo uu ku joogo degmadda Saylac ee gobolka Salal kaddib markii lagu heshiin waayay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee halkaas ka dhashay sannadkii hore.