3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Dagaal culus oo Ciidamada Huwanta iyo Al-shabaab ku dhex-maray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo xoogagga al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan islamarkaasina labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka fudud iyo kan culus ayaa waxa uu yimid kadib markii cutubyo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaaladaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanayay ayaa magaalada Afmadow la wareegay dhamaadkii bishii May ee sanadii tagtay, kadib dagaallo xooggan oo ay Al-shabaab kula galeen duleedka degmadaasi.

Goobjooge ku sugan magaalada Afmadow ayaa HOL u sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid aad u xooggan isla maarkaasina rasaas culus laga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada.

Gudoomiyaha degmada Afmadow C/xakiin Xaaji Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii xalay, isagoona xusay in xoogagga Al-shabaab ay u geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoona intaasi ku daray in dhankooda uusan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray dagaalkii xalay.

Sheegashada masuulkani ka sokow ilaa imika ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka masuuliyiinta xarakada Al-shabaab oo ku aadan dagaalkii xalay, mana jiraan ilo ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalkii xalay ayaa qeyb ka ah weerarro ay xoogagga Al-shabaab aalaaba la beegsadaan degmooyinka gobolka jubada hoose ay uga suganyihiin ciidamada dowaldda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee iskaashanaya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya


 













Click here
1/19/2013 12:10 PM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo tiradooda ay gaarayso 160-askari booliis ah ayaa wuxuu tababar uga furmay maanta oo Sabti ah xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamarreeb, tababarkaas oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

1/19/2013 12:09 PM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla Koonfurta dalka Yemen ayaa maanta oo Sabti ah ku xukuntay saddex ruux oo Soomaali ah min 10-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inay afduubeen gacanka Cadan ka afduubeen dooni ganacsi.

1/19/2013 7:53 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Cabsi weyn ayaa saqdii dhexe ee xalay soo wajahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaddib markii duleedka Koonfur-barri degmadaas uu dagaal xoogan oo muddo kooban ku dhexmaray ciidamada Somaliland oo halkaas fariisin ku lahaa iyo ciidammo taabacsan maamulka Khaatumo.

1/19/2013 7:40 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga ay dowladda Mareykanka aqoonsatay dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka hadlay dil shalay loogu geystay Muqdisho wariye iyo sidoo kale wariye kale oo xiran.

1/19/2013 7:21 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Boqollaal qoys oo dhawaan ka barakacay dagaallo iyo duqeymo jaziiradda Kudhaa ee gobolka jubada hoose ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhibaateeysanyihiin deegaano ku dhow-dhow Jaziiradaasi.

1/19/2013 7:15 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof ka sameeyay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir. Iyadoo sidoo kale uu dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay sarkaalkii amaanka degmada Jowhar ee Al-shabaab.

1/19/2013 2:47 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa xalay kula hadlay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dadweyne Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 5,000 oo qof.

1/19/2013 2:45 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ku wareejisey qaboojiye loogu tala galay in dadka meydka ah la geliyo.

1/19/2013 12:02 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay dhibaatooyinka loo geysto haweenka oo ay ka mid yihiin kufsiga iyo guurka khasabka ah ee lagula kaco haweenka Soomaalida, iyadoo la sheegay in qofkii dambigaas lagu helo loo gudubin doono maxkamadda caalamiga ah si loogu ciqaabo dhibaatadii uu haweenka Soomaaliyeed u geystay.

1/19/2013 12:00 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa la filayo inuu maanta uu soo xiro wada-hadal afarta maalmood qaatay oo uu ku joogo degmadda Saylac ee gobolka Salal kaddib markii lagu heshiin waayay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee halkaas ka dhashay sannadkii hore.