3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
Ardayda Kuliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa oo soo bandhigay hab cusub oo qashinka lagu yaraynayo
Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL)- Ardayda jaamacadda Hargeysa gaar ahaana kuuliyadda cilmiga deegaanka, ayaa xalay soo agaasimay xaflad lagaga hadlayey qaabka ugu haboon ee loo dhimi karo qashinka iyo sida looga faa’iidaysan karo,kuwaas oo ku qabsaday hoolka jaamacadaasi.

Xafladan waxa ka soo qaybgalay wasiirka Deegaanka iyo Harumarinta Miyiga, Maxamed Siciid Gacamay, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, Guddoomiyaha Jaamacada iyo aqoonyahano dhanka deegaanka ah.

Ardayda Kuuliyada Sayniska, gaar ahaan qaybta deegaanka ayaa Munaasibadan ku soo bandhigay qorshe lagu yareyn karo qashinka dhibaatada badan ku haya deegaanka, waxayna aqoonyahankii Munaasibad joogay u soo bandhigeen fiidiyow tilmaamaya warshad yar oo qashinka sida bacaha iyo caagadaha u bedalaysa ashyaa muhiim ah sida dharka oo kale, waxayna ku taliyeen oo ay muhiim ku tilmaameen in la isku hawlo sidii dalka loo keeni lahaa warshadaasi, si bacaha iyo caagadaha deegaanka Somaliland meel walba yaala loogaga faa’ideysto.

Maxamed Cabdalle Xuseen oo ka mid ah ardayda fikradan hal abuuray, ayaa sheegay in hawshani bilow u tahay hami ay ku doonayaan in wixii ay barteen ay ugu bedalaan waxqabad muuqda.

“Safar aan dhawaan ku tagay halka dooxyadu biyaha kaga daraan badda ee Ceel-waaq, waxaan ku arkay waxyaabo aad ka murugoonayso oo ah caagadihii, bicihii iyo waxyaabo kale oo la mid ah, kuwaasi ku darsamaya badda, waxyeelana u geysanaya noolaha badda, waanad dareemi kartaa dhibaatada haysata deegaanka aynu ku nool nahay”ayuu yidhi Axmed Ibraahim Cawaale oo aqoon u leh arrimaha deegaanka oo halkaasi ka hadlay.

Prof Axmed Maxamed Cadaad, oo ah hormuudka kuliyada Sayniska, ayaa isaguna ka waramay taariikhda uu soo maray barashada cilmiga deegaanka ee Jaamacada Hargeysa,waxaanu sheegay inaanu shan sanadood ka hor jirin qaybtani, balse ay mudada kooban ee ay jirtay ardayda dhigataa ay sameeyeen horumar, waxaanu tilmaamay inay ku han-weyn yihiin sidii jaamacada loogu rakibi lahaa qalabka saadaasha hawada, isaga oo Maayarka iyo masuuliyiinta kale ka codsaday in wax lagala qabto.

 Maayarka Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa sheegay inay qorshayaashooda ka mid tahay sidii Hargeysa looga dhigi lahaa Caasimad qashinka ka caagan, gacantana ku hayaan mashruuc arintaasi la xidhiidha.

Wasiirka Wasaarada deegaanka Somaliland Maxamed Siciid Gacamay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisa ardayda, isaga oo tilmaamay in munaasibadani tahay tii ugu qiimaha badnayd ee uu ka qayb-gallo isla-markaana ay tahay mid khusaysa deegaanka iyo horumarintiisa oo isaga Wasaaradiisu qaranka u qaabilsan tahay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland











Click here
1/18/2013 12:10 PM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wariye Cabdi Hareed Cismaan Aadan kaasoo ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

1/18/2013 12:04 PM EST
Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaanahan booqasho ku joogay dalka Mareykanka ayaa gaaray maanta oo Jimco ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota maalin kaddib markii dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya kaddib labaatan sano oo colaado ah.

1/18/2013 11:40 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay ina y wado qorshe ay ku dooneyso sidii barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho looga rari lahaa xerooyinka ay imika ku jiraan islamarkaasina loo dajin lahaa goobo ka baxsan magaalada.

1/18/2013 9:00 AM EST
Jimco, January 18, 2013(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan ku mashquulsanaa kulamo uu la leeyahay madaxda sare ee dalka Mareykanka iyo deeq-bixiyayaal caalami ah ayaa waxaa uu xalay la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Washington, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay munaasabadda ka qeybgaleen dad Soomaali ah oo ka kala tegay gobollada dalka Mareykanka iyo dalka Canada.

1/18/2013 2:36 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Taliyaha ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ay ka wadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

1/18/2013 2:09 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Kooxo hubeysan oo aan la heybtooda la aqoon ayaa saaka weeraray wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo u shaqeyn jiray idaacadda Shabelle xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Wadajir.

1/18/2013 1:58 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan casho sharaf ah oo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalka isugu yeeray saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.