3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHIIKH: “Aniga, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha waxaa ku ballannay in aanan isku qabsan xukunka...” (SAWIRO)

Jimco, January 18, 2013(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan ku mashquulsanaa kulamo uu la leeyahay madaxda sare ee dalka Mareykanka iyo deeq-bixiyayaal caalami ah ayaa waxaa uu xalay la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Washington, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay sidoo kale munaasabadda ka qeybgaleen dad Soomaali ah oo ka kala tegay gobollada dalka Mareykanka iyo dalka Canada.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ugu horreyn u mahadceliyay dadkii Soomaaliyeed ee soo dhaweeyay, kaddibna waxaa uu dib u qooraansaday dhibaatada ay Soomaaliya soo martay dhowr iyo 20-kii sano ee aynu ka soo gudubnay, wuxuuna sheegay in xiligaas haddii lagu xisaabo cimriga qofka in waqtigaas uu dheer yahay, laakinse haddii lagu xisaabo  cimriga umadaha in uu waqtigaas yar yahay.



Dhibaatada Soomaaliya gaartay waxaa uu sheegay in ay sababteeda Soomaalida leedahay, wuxuuna tusaale u soo qaatay tix shirib ah oo haweeney ay tirisay, taasi oo  ahayd “Masaar geed ma goyso ee geed kale ayaa ku gooyo, gaal haddii uusan Islaam wadan nama soo galeen”ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo  taasina  u soo qaatay in dhibaatada Soomaaliya gaartay ay mas’uuliyaddeeda leedahay Soomaalida.

“Dalka aad joogtaan waad la socotaan juhdiga uu geliyay in dalka Soomaaliya uu mushkiladda ka baxo oo horraantii sagaashamaadkii ayuu ciidamo Mareykan ah Muqdishou diray, hayeeshee ma  aysan suurtagelin in uu guuleysto barnaamijkii ciidamadaas loogu diray Soomaaliya, waayo doorkeena ayaa meesha ka maqnaa”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo intaas ku daray in dhibaatooyinkii Soomaaliya soo maray mar hore laga bixi lahaa haddii ay dadka Soomaaliyeed qab qarannimo leeyihiin, wuxuuna xusay in taasi bedelkeeda ay dadka huwadeen qab qabiil.

“Reerkeena 1960 illaa 2012 wasiir la’aan ma noqon ee waxaan rabnaa sababta ay beesheena wasiir u weysay, su’aashaas waxay ka mid tahay su’aalaha aan aadka ula yaabay ee la i weydiiyay, haddii aan weydiiyay dadkii su’aashaas I weydiiyay wasiirkaas maxay tahay danta guud ee uu beesha u qabtay; waa ii jawaabi waayeen, marka meeshaas waxaa ka muuqata in qabkii qabiilka uu nagu weyn yahay”ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waxaa jira hal-ku-dhig aan mar kasta isticmaalo, kaasi oo ah waxa hooyada uurka leh u roob ayaa canuga uurka ku jira u roon, waayo sida ay hooyada tahay ayuu canuga noqonaya, sidaas darteed waa in aan raadinaa waxa Soomaaliya u roon, aniga iyo dowladda aan madaxda ka ahayna waxaan u taagan nahay in aan raadino waxa Soomaaliya u roon”ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha.



Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay soo mareen xusuuso murugo leh, kuwaasi oo haddii la xusuusto aanan horay loo soconeynin. “Adduunyada waa seddex maalmood, shalay oo aan soo marnay, maanta oo aan joogno iyo berri oo aan u soconno, shalay wixii dhacay haddii aan ku mashquulno berri ayaa na dhaafeysa, marka waa in aan horay u soconnaa”ayuu mar kale yiri madaxweynaha oo dadkii hadalkiisa dhegeysanayay ay hadalkaas aad ugu riyaaqeen.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in markii uu xilka madaxweynenimada la wareegay uu hubiyay qasnadda dowladda hayeeshee laga waayay wax lacag ah, sababo kala duwan dartood, shan bilood ciidamada amniga in aysan mushaar helin, shaqaalaha dowladdana aysan sidoo kale helin wax mushaar ah, hayeeshee dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen kaddib ay ku guuleysteen in ciidamada xuquuqdooda la siiyo. Wuxuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha in  askariga iyo ciidamada dowladda ay isku lacag qaataan, taasi oo dhan 100 doollar, halkaasina ay tabar dhigtay.

Madaxweynaha waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay ku dadaalayaan in ay Soomaaliya ka tiraan magacyo xun xun oo lagu tiray, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wadanka ugu musuqmaasuqa badan, wadanka ugu burcad badeedda badan, wadanka ugu argagixisada badan,  wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay musuqmaasuqa la dagaallamayaan, amniga ay adkeynayaan,  adeegyadii bulshadana ay soo celinayaan.


Faduma Cabdullahi Insaaniya




“Dhinaca ammaanka haddii aan ka hadalno sida aad la socotaan waxaan Muqdisho ka qaadnay 60 Isbaaro oo taallay, taasna waxay ku suurtagashay wada shaqeyn dhexmartay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhalinyaradii isbaarada u taallay lagu qanciyay in ay isbaarooyinka ka tagaan, taasina waa guul weyn”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

HOOS KA DAAWO MUNAASABADDA OO DHAN


Video streaming by Ustream


Madaxda sare ee dowladda ayuu sheegay in ay xiriir aad u wanaagsan leeyihiin, isla markaana ay isu dhaarsadeen in ay dalka ka bixiyaan dhibaatada ayna Soomaaliya gaarsiiyaan heer ay dadka iyaga soo doortaan madaxdooda, wuxuuna caddeeyay in aysan jiri doonin isqabqabsi dhexmari doona sida madaxdii ka horreysay oo kale. : “Aniga, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha waxaa ku ballannay in aanan isku qabsan xukunka oo aan dalka iyo dadka u qidmeyno annaga oo wada jirna” ayuu yiri madaxweynaha  oo caddeeyay.

Madasha dowladdiisa ay heysato ayuu sheegay, wuxuuna xusay in ay madashaas tahay in ay dalka gaarsiiso nidaamka federaalka, wuxuuse caddeeyay in shuruucda  arrintaas ku saabsan uu Baarlamaanka sharci ahaan u soo saari doono  maadaama dastuurka qabyada ah uusan arrintaas si faahfaahsan u qeexeynin, “Aniga maanta haddii aan diido oo aan dhaho dalka federaal ma noqonayo, taasi macnaheeda waxaa waaye anigana madaxweyne ma noqonayo, sharciga aan madaxweyanha ku ahay ayaa i faraya in dalka Federaal  uu noqdo”ayuu yiri Madaxweyanha oo sheegay in ay ku-tiri-ku-teen ku tilmaamay warar been abuur ah oo sheegayay in ay dowladda gobollada qaar maamul u sameyneyso , qaarkoodna ay leedahay idinku sameysta maamulkiina. “Waxaan rabnaa in aan dadka awoodeyno oo aan ogolaanno cidda ay iyagu soo doortaan”ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha.



Dadkii munaasabadda ka qeybgalay oo qaarkood u waramay Hiiraan Online ayaa noo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ula muuqdo madaxweyne karti leh, isla markaana dalka ka saari kara dhibaatada, waxayna madaxweynaha iyo dowladda uu hoggaaminayo u rajeeyeen guul. Waxayse cabasho ballaaran ka muujiyeen dadka ku dhaw-dhaw madaxweynaha gaar ahaan howlwadeenada borotokoolka iyo agaasimaha madaxtooyada (Cheif of Staff) oo ay ku tilmaameen in ay yihiin dad aan shaqadaas u bisleyn, madaxweynahana uu u baahan yahay dad aqoon iyo waaya-aragnimo u leh hawlaha borotakoolka iyo diblomaasiyadda.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa u dhoofaya Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, halkaasi oo uu kula hadlayo Soomaalida ugu badan ee qurbaha.


Muumin Cabdi Bare




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/18/2013 12:10 PM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wariye Cabdi Hareed Cismaan Aadan kaasoo ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

1/18/2013 12:04 PM EST
Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaanahan booqasho ku joogay dalka Mareykanka ayaa gaaray maanta oo Jimco ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota maalin kaddib markii dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya kaddib labaatan sano oo colaado ah.

1/18/2013 11:40 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay ina y wado qorshe ay ku dooneyso sidii barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho looga rari lahaa xerooyinka ay imika ku jiraan islamarkaasina loo dajin lahaa goobo ka baxsan magaalada.

1/18/2013 9:07 AM EST
Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL)- Ardayda jaamacadda Hargeysa gaar ahaana kuuliyadda cilmiga deegaanka, ayaa xalay soo agaasimay xaflad lagaga hadlayey qaabka ugu haboon ee loo dhimi karo qashinka iyo sida looga faa’iidaysan karo,kuwaas oo ku qabsaday hoolka jaamacadaasi.

1/18/2013 2:36 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Taliyaha ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ay ka wadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

1/18/2013 2:09 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Kooxo hubeysan oo aan la heybtooda la aqoon ayaa saaka weeraray wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo u shaqeyn jiray idaacadda Shabelle xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Wadajir.

1/18/2013 1:58 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan casho sharaf ah oo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalka isugu yeeray saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.