3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Wasiirka Qorsheynta Somaliland oo Golaha Wakiiladda uga Warbixiyay Xeerka Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta oo goor dhow billaabanysa


Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Sacad Cali Shire ka dhagaystay xeerka tirokoobka dadweynaha reer Somaliland oo xukuumaddu doonayso inay dalka ka hirgaliso Diiwaangelin madani.

Xildhibaanadda golaha Wakiilada ayaa su’aalo ka waydiiyey wasiirka Qorshaynta qaabka ay doonayaan inay u bilaabaan iyo cidda ka caawinaysa tirokoobka dadweynaha, isla markana waxay usoo jeediyeen talooyin ay ku kordhinayaan qaabka hawshaa loo hirgalin karo.

Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Dr: Sacad Cali Shire ayaa faah-faahin ka bixiyey xeerkan tirokoobka dadweynaha iyo faa’iidada ugu jirta shacabka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la ogaado dadka dhalanaya iyo inta dhimanaysaba, inta waxbarashadda u baahan, xaalada kala duwan ee dadku ku sugan yihiin iyo inta dhallinyaro ah, taas oo ah xog balaadhan oo lagu hawlgali karo laguna xisaabtami karo.

Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku daray in wadamadu aanay ka maarmin inay ogaadaan dadka ku nool wadankoodda, inta muwaadiniinta ah iyo dadka aan u dhalan dalka iyo waliba qof waliba sifaha uu dalka ku jooga, waxa kale oo uu xusay in miisaaniyada sanadkan lagu soo daray lacagta lagu diiwaangelinayo dadweynaha, isla markaana meelo kalana laga filanayo inay kharashkaas  wax inaga caawiyaan.

Xildhibaanadda golaha Wakiiladda, ayaa iyaguna waydiiyey siday ugu suurtogali karto maadaama oo dadweynuhu aanay jecleen inay xog bixiyaan, taasina ay ku adkaan karto dadka diiwaangelinta samaynaya, sidoo kale waxay waydiiyeen maadaama oo lacag badani ku baxayso hawshan cida ka caawinaysa, waxa kale oo ay waydiiyeen dadka loo xil saarayo inay hawshaa galaan waa dad noocee ah.

Wasiirka Qorsheynta oo su’aalihii la waydiiyey uga jawaabay,ayaa sheegay in hawshan ay wadi doonaan dhalinyaro loo tobabarayo, kuwaas oo iskugu jira dumar iyo rag ka soo kala jeedda goboladda oo dhan, isla markaana aad loo hubin doono diiwaangelinta si aanay wax khalad ahi uga iman, waxa kale oo uu xusay in dawladu ku darsatay qorshaha sanadkan la qaban doono diiwaangelinta muwaadiniinta si looga fogaado khaladaadka ka yimaada doorashooyinka iyo in la kala saaro muwaadiniinta iyo dadka kale, waxaanu sheegay inay noqon doonto mashruuc balaadhan oo dalka ka hirgali doona .

Dhinaca kale, Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka Mr: Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in dib loo dhigay tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland oo bishan 15 keedda la doonayey in magaalada Hargeysa ka qabsoonto, balse ay tartankaasi la qaban doono bisha juun labadeedda ee sanadkan.

Wasiirka Ciyaaraha ayaa sabab uga dhigay inay dib u dhacdo tartankaas talooyin loo soo jeediyey oo ay ka helaan qurbo jooga oo codsaday in wakhtiga xagaga loogu beego si ay uga soo qaybgalaan Ciyaaraha, iyo in ardaydii dugsiyada iyo jaamacadaha oo tartankaasi ka qaybgala fasaxu ku yar yahay, qaarkoodna maqan yihiin oo aanay u suurtogaleen inay ka qaybgalaan, waxa kale oo uu sheegay in xaga diyaargarowga ciyaartoyda oo iyana wakhti fiican haysan, sidaa darted arrimaha jira awgeed ay dhawr bilood dib loogu dhigay.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
1/14/2013 12:31 PM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Saylac oo ay dhawaan ka dhaceen rabshado sababay khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

1/14/2013 12:09 PM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) —Magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi ayaa waxaa maanta ka furmay tababar dhowr casho soconaya oo la siinayo 120 ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee dowaldda Soomaaliya, kaas oo uu soo qabanqaabiyay ururka Midowga Afrika, iyadoo shaqaalahaas ay baran doonaan maamulka dowladnimo iyo hab-maamuuska shaqada.

1/14/2013 12:09 PM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa soo bandhigtay maanta oo Isniin ah askari Faransiis ah oo ay ku dileen weerarkii fashilmay ee ka dhacay habeenkii Sabtidu soo galaysay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

1/14/2013 8:24 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa in ka badan 400-qof ku qabqabtay howlgallo saf-ballaaran ay maanta ka sameeyeen degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas lasii daayay.

1/14/2013 7:44 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inuu dhintay askari Faransiis ah oo ay dhaawac ahaan u qabteen intii uu socday howgalkii fashilmay ee Faransiisku ay ku qaadeen deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo sheegay inuu weli nool yahay Denis Allex oo ahaa sarkaalkii la doonayay in xoog lagu furto.

1/14/2013 7:28 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Golaha Guurtidda, ayaa dood adag ka yeeshay siyaasadda Arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda oo ay si weyn u dhaliileen, isla markaana soo jeediyey in wax laga qabto khilaafaad jira ee doorashooyinkii abuureen.

1/14/2013 7:27 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Puntland ee gobolka Mudug ayaa maanta kala eryay dad-weyne isugu soo baxay bartamaha magaalada Gaalkacayo, islamarkaana qorsheynayey in ay dhigaan muddaaharaad looga soo horjeedo xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

1/14/2013 7:25 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa shaacisay in gobolka Maroodi jeex uu ka dilaacay cudurka jadeecadda, waxaanay bulshadda Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolkan inay goobaha caafimaadka yimaadaan si loo xakameeyo cudurkan oo aanu dalka ugu fidin.

1/14/2013 3:48 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa dhaawacay ilaa sedex maxbuus oo dooneysay in ay ka baxsato xabsi ku yaal degmadaasi.

1/14/2013 1:22 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in howgalkii Faransiisku uu ka fuliyay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay howgalkaas mid ay dowladda Soomaaliya si aad ah u cambaareynayso.

1/14/2013 1:21 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdihso Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa uga digay dhallinta Soomaaliyeed ee ka yimid qurbaha inay waxyaabo anshaxa diinta iyo tan dalka ka baxsan ku sameeyaan xeebta Liido.

1/14/2013 1:18 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in taageero kooban ay ku siiyeen ciidamadii Faransiiska ahaa ee howgalka ka sameeyay deegaanka Buulo-mareer oo lagu haystay sarkaal Faransiis ah oo la doonayay in la furto inkastoo uu howlgalkaas fashilmay.