4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Al-shabaab oo sheegtay inuu geeriyooday Askari Faransiis ah oo ay dhaawac ahaan ku qabteen intii uu Howlgalkii Buulo-Mareer socday

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inuu dhintay askari Faransiis ah oo ay dhaawac ahaan u qabteen intii uu socday howgalkii fashilmay ee Faransiisku ay ku qaadeen deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo sheegay inuu weli nool yahay Denis Allex oo ahaa sarkaalkii la doonayay in xoog lagu furto.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in Allex oo afduub ahaan loo haystay tan iyo sannadkii 2009 uu ku dhintay howgalka, balse Al-shabaab ayaa si adag u diidday arrintaas, waxayna sheegeen inay dhaawaan go’aan cad ka qaadan doonaan.

“Askari ka tirsan ciidamada Faransiiska oo aan dhaawac ahaan ku qabanay wuxuu dhintay, waxaana dhawaan soo bandhig doonnaa maydadka laba askari oo Faransiiska ah,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Wasiirka gaashaandhigga Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa suxufiyiinta u sheegay Isniinta maanta ah in Denis Allex la dila, aysanna jirin wax muujinaya inuu dhintay.

“Tallaabo kasta oo aan qaadnay waxay noo xaqiijisay inuu la haysta ay dileen xubinihii Al-shabaab ee gacanta ku hayay intii uu howgalku socday,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Faransiiska.

Allex wuxuu ka mid ahaa laba sarkaal oo Faransiis ah oo afduub loogu qabsaday Muqdisho dabayaaqadii sannadkii 2009, xilli ay Soomaaliya u joogeen nay ka caawiyaan dowladdii KMG-ka ahayd tababarka ciidamada.

“Sarkaalkii aan afduubka ku haysannay waa nool yahay wuuna caafimaad qabaa,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan halka lagu hayo iyo xilliga ay soo bandhigayaan.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande ayaa Sabtidii sheegtay inuu guul-darreystay howgalkii ay ku doonayeen inay kusoo furtaan sarkaal looga haystay Soomaaliya, isagoo sheegay inay halkaas ku lumiyeen laba askair iyo la-haystihii oo la dilay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya