4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Golaha Guurtidda oo dood adag ka yeeshay Siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee Somaliland, kana hadlay wadahadallada soo socda


Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Golaha Guurtidda, ayaa dood adag ka yeeshay siyaasadda Arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda oo ay si weyn u dhaliileen, isla markaana soo jeediyey in wax laga qabto khilaafaad jira ee doorashooyinkii abuureen.

Golaha Guurtidda ayaa labaddii maalmood ee u dambeeyey ka doodayey siyaasadaha Arrimaha gudaha iyo Dibadda Somaliland, kuwaas oo ku kala aragti duwanaa qaabka ay u socdaan arrimaha gudaha iyo dibadda ee xukuumaddu u shaqaynayso.

“Waqigan qaylo badan ayaa jirta meelo badan ayey rabash ka taagan yahay, waxa arrimaha gudaha ka jira ta dibadana way saamaynaysaa, caalamku wuxuu ku ficil qaadanayaa siyaasaddaada arrimaha guduhu siday tahay, markaa waa in la hagaajiyaa siyaasaddeena arrimaha gudaha”ayuu ku dooday Xildhibaan Axmed Obsiiye oo ka mid ah xildhibaanadda golaha Guurtidda, waxaanu xukuumada ku canaantay in shaqadii Guurtidda ay iyagu qabanayaan, isla markaana ay ahayd in xaga amniga guurtiida loo daayo.

Sidoo kale, xildhibaan Obsiiye isaga siyaasada Arrimaha dibadda ka hadlaya waxa uu yidhi “markii hore rajo weyn baynu lahayn dastuurkaynu ku shaqayn jirnay oo ina qaban jiray, qodobkii lama taabtaanka ahaa ayeynu shaki weyn galinay qodobkaasi gorgortan buu ku jiraa inuu gorgortan galena muu ahayn, dee maxaynu Soomaaliya ku wada hadli, ma sidi lixdankii baynu mar labaad nidhaahnaa soomaaliya ayaanu ka mid nahay, waxa rajadeenii baabiyeyna waa qodobkaasi muhmalka la galiyey ee lama taabtaanka ahaa”

Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux oo isna arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Waa laga rabaa xukuumada inay bakhtiiso waxyaalaha jira wixii ka itaal roona ay la kaashato hay’adaha ku shaqada leh ee Guurtidu u horayso”.

Xildhibaan Caydiid Axmed Obsiiye ayaa isna ku dooday in dalka dadka ka taliyaa ay yihiin da’da sodomeeyada oo aan arag dhibaato iyo balaayo, isla markaana ku aqliyeystay nabadda, waxaanu sheegay in bariigii hore marka dhibaato la maqlo la sasi jiray oo la dareemi jiray dhibaatadu inta ay leegtay, sidaa darteed loo yeedho ragii wax soo arkey ee balaayooyinka bakhtiin jiray ee waayo araga ahaa.

“Anigu imika waxaan leeyahay arrintaasi wada hadalka ee Soomaaliya malaha sideenii hore ayaa la noo qaatay oo Soomaaliya waxba inooma ogola, inaguna ma ogolin Soomaaliya, wax meeshaa inoo yaalaa ma jirto, waar ma iska xidhnaa wadadda wada hadalka, waxaan soo jeedinayaa in aynu ka noqono wada hadalkaasi oo diidmadeenii hore ku noqono ”ayuu soo jeediyey Xildhibaan Caydiid Axmed oo ka hadlayey siyaasada arrimaha dibadda

Xildhibaan Faadumo Jaamac ayaa iyaduna ka hadashay in dumarka la taageero, maadaama oo dumarkii doorashada ka qaybgalay ku hadheen, kootadii dumarkan la diiday in loo baahan yahay in xuquuqda dumarka hoos loo eego.“dumarku miyeyna xaq ku lahayn Somaliland, waad ogaydeen haweenkii doorashadda galay halkii lagaga tagay, Kootadiina waa loo diiday oo la yidhi waa qayral dastuuri wax walba dib u eegis bay u baahan yihiin waa in la eegaa dumarkii iyo xaquuqdoodda”ayey tidhi Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye,  mar ay ka hadlaysay siyaasadda Arrimaha dibadda waxay tidhi “nin baa laga hayey hasha maangayga gadaye ma masaar bay liqday, waxaan filayaa caruurtuna way garanaysa halka ay ku ragaaday siyaasadii arrimaha dibadda Somaliland ama loogu talogalay waxa fiican in runta loogu tago siday wax u jiraan”.

Xildhibaan Dayib Axmed Faarax ayaa sheegay inay xukuumadani tahay bilaa garab aan haysan wixii ay ku duuli lahayd, “ Siyaasadii arrimaha guduhu waxay maraysa halkii ugu xumayd waayo dawladihii ka horeeyey tan maanta jirta waxay ku duuli jirtay garbaha Guurtidda, xukumadani waxay siyaasadii arrimaha gudaha u haysata wasiiro, wasiiraduna waa kuwii laga cabanayey ee dadku iska ilaalinayey, ilaa hadda waxyaalaha jira wax ay wax ka qabteena ma jirto”

Xildhibaan Farxaan Xuseen Ubaxle ayaa isna yidhi “waxaan soo jeedin lahaa in marka arrimahan oo kale la xalinayo la kaxaysto Guurtida iyo madax dhaqameedka, imika wasiirada looma gali karo xafiisyadooda anagoo xildhibaano ah ayaan gali karin marka si loo helo ayaa adag, marka way kala go’an yihiin dadkii iyo wasiiradda”

Mar uu ka hadlayey wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi” Soomaaliya waxa loola hadlayaa in wixii inaga dhexeeyey looga wada hadli lahaa, hantidii inaga dhexeeyey loo qaybsan lahaa, dad walaalo ah oo jaar ah u noqon lahayn uun baa laga wada hadlayaa, laba dawladood oo simana u wada hadli lahayn xuduud la yaqaana waynu leenahay oo mid afrika oo dhan ka dhexeeya oo lagu heshiiyey ayaa jira”.

Guud ahaan doodda Xildhibaanadda Guurtidda ayaa dhaliilo badan usoo jeediyey wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dibadda, sidoo kale ka hadlay qodobkii ay xukuumadda Somaliland labadda gole Baarlaamaan u fasaxeen inay shirarka Soomaaliya ka qaybgali karto, qodobkaasi oo ay dhaliileen soona jeediyeen in dib loo eego.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland