4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Maxaabiis Baxsad ah oo lagu Dhaawacay Magaalada Gaalkacyo

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa xalay dhaawacay ilaa sedex maxaabiis oo dooneysay in ay ka baxsato xabsi ku yaal degmadaasi.

Nimankani oo xabsiga magaalada Gaalkacyo ugu xirnaa dabniyo kala duwan oo qaar kamid ah loo heystay falal gacan-ku-dhiigle nimo ayaa la sheegay in ay jabiyeen darbiga xabsiga si ay uga baxsadeen, haseyeeshee ciidamada ilaalida xabsiga ayaa arintaasi ka warhelay kadibna rasaas ku furay raggii baxsadka ahaa.

Taliyaha qeyba booliska maamulka Galmudug Max’ed Cali Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in nimankani sedexda ah ay isku dayeen in ay ka baxsadeen Xabsiga, haseyeeshee wuxuu xusay in ciidamada ilaalada xabsiga ay rasaas ku fureen taasoo sababtay dhaawacyo soo gaaray sedexdoodaba.

Masuulkani ayaa sheegay in maxaabiistani ay burburiyeen darbiga xabsiga islamarkaasina ay doonayeen in ay baxsadaan., isagoona uga digay maxaabiista kale in ay ku kacaan falal caynkan oo kale ah.

Xabsiga ku yaal koonfurta magaalada Gaalkacyo ee uu ka arimiyo maamulka Galmudug ayaa waxa ku xiran maxaabiis loo heysto danbiyo kala duwan oo isugu jira kuwa loo heysto falal burcadnimo, kuwa lagu eedeynayo in ay katirsanyihiin Al-shabaab iyo qaar kale oo loo heysto falal gacanku dhiigle nimo.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya