3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo uga digay in Waxyaabo ka baxsan Diinta iyo Anshaxa Suubban lagu sameeyo Xeebta Liido

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdihso Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa uga digay dhallinta Soomaaliyeed ee ka yimid qurbaha inay waxyaabo anshaxa diinta iyo tan dalka ka baxsan ku sameeyaan xeebta Liido.

Mudane Tarsan wuxuu sheegay in dhallinyarada ka yimid qurbaha ay niyada ku hayaan inaysan joogin dalalkii galbeedka ee ay ka yimaadeen balse ay ku sugan yihiin dal Islaam ah oo leh dhaqan wanaagsan iyo anshax suuban.

“Waan uga digaynaa dhallinyarada ka yimid dibadaha dalka inay waxyaabo ka baxsan dhaqanka, diinta iyo asluubta wanaagsan ee dalkan iyo dadkan ay leeyihiin,” ayuu yiri Tarsan oo aan sheegin ciddii ay ku helaan in amarkan ay ku xadgudubtay tallaabada ay ka qaadi doonaan.

Sidoo kale, duqa Muqdisho wuxuu amar ku siiyay ciidamada ammaanka ee ku sugan xeebaha Liido inay ka hortagaan cid walba oo anshax xusmo ku sameynaysa halkaas.

“Ma ogolaan karno in wiil yar iyo gabar yar oo aan anshaxa iyo dhaqanka aan waxba ka ogeyn ay dalkan iyo dadkan oo dhan qarribaan,” ayuu yiri duqa Muqdisho, iyadoo digniintan ay noqonayso tii ugu horreysay oo uu maamulka gobolka Banaadir u jeediyo dadka u damaashaad iyo dabaal-taga xeebaha Muqdisho.

Toddobaad walba dabayaaqadiisa ayaa waxaa xeebaha Muqdisho taga dad badan oo isugu jira, dhallinyaro, caruur iyo waayeel rag iyo dumar leh oo ku damaashaada xeebaha Liido iyo Jaziira ee Muqdisho, halkaasoo ah goobaha ay dadka intooda badan ku kulmaan.

Inta badan dadka xeebaha taga ayaa waxay u badan yihiin dadka kasoo laabtay dibadaha dalka, kuwaasoo illaa gabaldhicii ku sugnaada halkaas, waxayna iyagoo koox-koox ah ay ku dabaashaan xeebaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/14/2013 12:31 PM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Saylac oo ay dhawaan ka dhaceen rabshado sababay khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

1/14/2013 12:09 PM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) —Magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi ayaa waxaa maanta ka furmay tababar dhowr casho soconaya oo la siinayo 120 ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee dowaldda Soomaaliya, kaas oo uu soo qabanqaabiyay ururka Midowga Afrika, iyadoo shaqaalahaas ay baran doonaan maamulka dowladnimo iyo hab-maamuuska shaqada.

1/14/2013 12:09 PM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa soo bandhigtay maanta oo Isniin ah askari Faransiis ah oo ay ku dileen weerarkii fashilmay ee ka dhacay habeenkii Sabtidu soo galaysay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

1/14/2013 8:24 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa in ka badan 400-qof ku qabqabtay howlgallo saf-ballaaran ay maanta ka sameeyeen degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas lasii daayay.

1/14/2013 7:50 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Sacad Cali Shire ka dhagaystay xeerka tirokoobka dadweynaha reer Somaliland oo xukuumaddu doonayso inay dalka ka hirgaliso Diiwaangelin madani.

1/14/2013 7:44 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inuu dhintay askari Faransiis ah oo ay dhaawac ahaan u qabteen intii uu socday howgalkii fashilmay ee Faransiisku ay ku qaadeen deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo sheegay inuu weli nool yahay Denis Allex oo ahaa sarkaalkii la doonayay in xoog lagu furto.

1/14/2013 7:28 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Golaha Guurtidda, ayaa dood adag ka yeeshay siyaasadda Arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda oo ay si weyn u dhaliileen, isla markaana soo jeediyey in wax laga qabto khilaafaad jira ee doorashooyinkii abuureen.

1/14/2013 7:27 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Puntland ee gobolka Mudug ayaa maanta kala eryay dad-weyne isugu soo baxay bartamaha magaalada Gaalkacayo, islamarkaana qorsheynayey in ay dhigaan muddaaharaad looga soo horjeedo xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

1/14/2013 7:25 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa shaacisay in gobolka Maroodi jeex uu ka dilaacay cudurka jadeecadda, waxaanay bulshadda Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolkan inay goobaha caafimaadka yimaadaan si loo xakameeyo cudurkan oo aanu dalka ugu fidin.

1/14/2013 3:48 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa dhaawacay ilaa sedex maxbuus oo dooneysay in ay ka baxsato xabsi ku yaal degmadaasi.

1/14/2013 1:22 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in howgalkii Faransiisku uu ka fuliyay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay howgalkaas mid ay dowladda Soomaaliya si aad ah u cambaareynayso.

1/14/2013 1:18 AM EST
Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in taageero kooban ay ku siiyeen ciidamadii Faransiiska ahaa ee howgalka ka sameeyay deegaanka Buulo-mareer oo lagu haystay sarkaal Faransiis ah oo la doonayay in la furto inkastoo uu howlgalkaas fashilmay.