4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Al-shabaab oo ku Adkeysanaysa inay Weli Hayso Sarkaalkii Faransiiska ahaa oo nool ayna go'aan ka gaari doonto

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku adkeysanaysa inay weli gacanta ku hayso la haystihii Farnasiiska ahaa ee u afduubnaa Dennis Allex oo nool, kaddib markii ay ciidamada Faransiiska ee sida gaarka u tababaran ay ku fashilmeen inay xoog ku furtaan.

Warsaxaafadeed ay Al-shabaab soo saartay ayay ku sheegtay in Allex uu ku jiro weli gacantooda, ayna go'aan ka gaari doonaan noloshiisa laba casho, balse dowladda Faransiiska ayaa iyaduna sheegaysa in Dennis lagu dilay howlgalkii ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer.

"Sarkaalka Faransiiska ah weli gacanteenna ayuu ku jiraa, labada maalmood ee soo socdana go'aan ayaan ka gaari doonnaa noloshiisa," ayuu lagu yiri warsaxaafadeed ay Al-shabaab soo saartay.

Ilo wareedyo laga helayo Al-shabaab ayaa sheegaya in la-haystaha Faransiiska ah oo ku sugnaa deegaankii habeen hore ay weerareen diyaaradaha dagaalka Faransiiska in loo qaaday dhinaca gobolka Bay halkaasoo ay doonayso Al-shabaab inay si qarsoodi ah ugu hayso.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya geerida iyo nolosha Dennis Allex oo tan iyo sannadkii 2009 afduub ahaan loogu haystay Soomaaliya, kaddib markii isaga iyo saaxiibkiis oo baxsaday laga watay goor aroor ah hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna sheegaysa in howgalka lagu fashilmay balse ay rumeysan tahay in la dilay sarkaalkii Faransiiska ahaa ee gacanta ugu jiray ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda iyo cidamada gacanta siinaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya