4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray Qarax Miino iyo Qarax kale oo Muqdisho ka dhacay

Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay laba qarax oo mid ka mid ha lagu weeraray gaari uu watay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxaas laba ka mid ah ilaaladii xildhibaanka.

Qaraxa lagu weeraray gaariga xildhibaanka ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir, waxaana qaraxa kale  oo aan la garanayn khasaraha ka dhashay uu isaguna ka dhacay xaafadda warshadda caanaha ee degmada Hodan.

"Gaari uu watay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhacay xaafadda Buulo-xuubeey, wuxuuna ahaa miino dhulka lagu aasay. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi wax kasoo gaaray ma jirto, balse laba ilaaladiisa ka mid ah ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan," ayuu yiri afhayeenka booliiska Soomaaliya, Col. Cabdullaahi Xasan Bariise oo  saxaafadda uga war-bixiyay qaraxyada.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxii ka dhacay warshada caanaha aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay balse ay ciidammo booliis ah u direen si ay u soo hubiyaan waxyeellada uu geystay.

Magaalada Muqdisho oo dhawaanahan ahayd mid deggen ayaa waxay qaraxyadan noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo sannadkan cusub ka dhaca magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay 10-qof u qabqabteen qaraxii lagu weeraray gaariga mudanaha ka tirsan baarlamaanka kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay oo qarax lagu weeraro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya