3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2013
Ciidamada Ammaanka Kenya oo ruux burcad ah ku dilay Xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab-Kenya

Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa xalay ku toogtay xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab ku yaalla nin la sheegay inuu ahaa burcad dadka xeradaas ku jira dhac ugu geysanayay qori la been abuuray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninkaas burcadka ah uu dhowr qof ka qaatay lacago iyo waxyaabo kale, kaddibna lagu wargeliyay booliiska taasoo keentay in goobtaas ay ku toogtaan.

"Ninkan wuxuu ka mid ahaa dadka dhibaatooyinka ka geysta xeryaha Dhadhaab, aad ayaana u soo dhaweynaynaa dilkiisa, waayo wuxuu tusaale cad u yahay burcadda kale," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku jira xerada Dhagaxleey.

Sarkaal u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in ninka la dilay uu dadka ku dhacayay qori macmal ah oo loo ekeysiiyay qori run ah, isagoo sheegay inay warbixinno ka heleen shacabka dabadeedna ay toogteen burcadkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninkan uusan ka mid ahayn dadka ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab, gaar ahaan xerada Dhagaxleey oo lagu dilay.

Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah kuwa ugu weyn dunida ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan nus-malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah, iyadoo tan iyo sannadkii uu ammaanka xeryahaas ahaa kuwo aad xun.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in Soomaalida aan sharciga lahayn ee ku sugan magaalooyinka ay aadaan xeryahaas, si halkaas loogu diiwaan-geliyo.

Dhanka kale, hay'adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in maalin walba ay ka tagaan xeryaha Dhadhaab 100 qof oo ka cararaya nabadgalyo darrida ka jira xeryahaas, kuwaasoo dib ugu laabanaya gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/12/2013 7:21 AM EST
Sabti, Jannaayo, 12, 2013 (HOL) – Tartan kubadda cagta ah oo ay ka qeyb-qaadanayeen ilaa afar naadi oo ka kala socday xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay garoonka kubadda cagta Lama-galaay.

1/12/2013 7:14 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Raashinkii quutal daruuriga ahaa, ayaa qaali garoobay ka dib markii sarifkii lacagta uu kor u kacay, taas oo maalmihii u dambeeyey ku abuurtay dadweynuhu inay iibsan kari waayaan.

1/12/2013 7:11 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaal xalay gellinkii dambe ku dhexmaray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ciidamada kumaandooska Faransiiska iyo xoogagga Al-shabaab.

1/12/2013 7:08 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay laba qarax oo mid ka mid ha lagu weeraray gaari uu watay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxaas laba ka mid ah ilaaladii xildhibaanka.

1/12/2013 2:29 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — In ka badan 780 arday ayaa u fadhiistay imtixaanka kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Nugaal xarumaheeda ay ku leedahay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool. Imtixaankan oo ah imtixaan sanadeedka jaamacadda ayaa sida uu sheegay guddoomiyaha jamacadda, C/risaaq Maxed Aadan (Lafoole) uu ka duwan yahay imtixaandaadkii ka horreeyey isagoo xusay inay ugu talogaleen qaab loo kordhinayo aqoonta iyo tayada ardayda jaamacada ka qalin-jebinaysa.

1/12/2013 1:25 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Xukuumadda dalka Ingiriiska ayaa shaacisay inay matigelinayso sannadkan shir looga hadlayo arirmaha dalka Soomaaliya, waxaana shirkan uu daba-socdaa shirkii lagu qabtay London bishii Feberaayo ee sannadkii hore kaasoo socday hal maalin loogana hadlay arrimaha Soomaaliya.

1/12/2013 1:03 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyihii bankiga dhexe ee dalka Jabuuti, Jaamac Maxamuud Xayd ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi halkaasoo maskaxda looga qalay.

1/12/2013 12:46 AM EST
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Iska-horimaad culus ayaa xalay saqdii dhexe ku dhexmaray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ciidammo watay diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo dagaalkaas uu dhaliyay khasaare nafeed oo soo kala gaarta labada dhinac.