4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Gaadhi shacab iyo mid booliis oo isku dhacay iyadoo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Illaa afar askari ayaa ku dhintay, 25 kalana way ku dhaawacmeyn shil baabuur oo ka dhacay galabta duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

Hawl-wadeenadda cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa oo ku mashquulsan daweynta askarta oo mar
dhowayd khadka telefoonka HOL kula xidhiidhay ayaa u xaqiijiyey inay dhinteen shan qof, halka ay dhaawac ka yihiin 25 kalana, waxaana cisbitaalka ka jira mashquul aad u faro badan, iyadoo la keenay ciidan badan oo ilaalinaya cisbitaalka, isla markaana buuqa iyo sawaxan ka ilaalinaya cisbitaalka.

Haseyeeshee hawl-wadeenadda cisbitaalku may kala cadayn inay shantaasi qof ee dhintay askartii yihiin iyo inay shacab yihiin, maadaama oo shilku aad u xun yahay oo aan la kala garan karin askar iyo shacab, isla markaana ku mashquulsan yihiin dawayntoodda, waxaase warar kale sheegayaan inay dhinteen afar askari iyo laba shacab ah oo la socday gaadhiga kale ee ay isku dhaceen, taas oo dhimashadda ka dhigay lix qof.

Wararka aanu ka helayno qaabka uu shilkan u dhacay ayaa sheegaya in gaadhiga booliska ahi uu taagnaa wadada Hargeysa iyo Berbera u dhexeeya, kana yimid magaaladda Laascaanood, halka gaadhiga kalana ee ay is duqeeyeen uu xamuul siday, isla markaana ku socday xawaare sare, kaas oo uu ku dhacay gaadhigii booliska ahaa, ka dibna gaadhigi boolisku oo qalibmay oo uu ku dul dhacay askartii, taas oo keentay khasaare aad u badan oo nax badan leh.

Sidoo kale, gaadhigan shacab ah ayaa waxa la socay dirwalkii gaadhiga waday iyo nin kale, kuwaas oo isla goobtii ku geeriyooday.

Haseyeeshee, Taliyaha booliska Somaliland Cabdilaahi Iiman Fadal ayaa tacsi u diray askarta ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, waxaanu sheegay inuu ka xun yahay shilkaasi naxdinta leh ee askartu waxyeelada xuni ka soo gaadhay, waxaanu sheegay inay ku dhinteen saddex askari iyo laba shacab ah.

“Waxa dhacay shil tiiraanyo leh oo ku yimid ciidanka booliska, waxaana isku dhacay gaadhigaasi iyo gaadhi shacab ah, dhimashaddu waxa weeyaan sarkaalkii ciidanka watay iyo laba askari, dhaawacanu waa 25 askari”ayuu yidhi taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal.

Waxaanu intaas ku daray  Taliyuhu “ xaga shacabka wax ku noqdayna ilaa hada darawalka iyo kirishbaygii ayaa dadka dhintay ku jiray, waxaanay tirada dhimashadu noqonaysaa 5 qof oo shacabka Somaliland ka baxay ”

“Waad dareemi kartaa murugadda ay leedahay qof ka soo noqday hawl gal oo qoyskiisa aan muddo arag oo shil baabuur ku dhacay, waxanan tacsi u diraya ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen askartii ku geeriyootay shilkan, waxaanan ILAAHEY uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo inta dhimatay , inta dhaawaca ahna ILAAHEY caafiyo”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur.

Si kastaba ha ahaaatee, waxa la sheegayaa in dhaawac culus u badan yihiin, taas oo qaarkood xaga madaxa nabaro cul culus ka soo gaadhay, waana shilkii ugu xumaa ee ciidanka booliska ka soo gaadhay shil baabuur.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland