3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Cabdifataax Xasan Afrax : "Sannad kaddib isbedel la taaban karo ayaa ka jira Magaalada Baladweyne ee Gobollka Hiiiraan

Talaado, Jannaayo, 01, 2013 (HOL) – Mudo sanad ku dhan ayaa laga joogaan waqtigii ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo xiligaa gacan militari ka hellayay kuwa dowladda Itoobiya, iyaga oo si buuxda u hantiyay gacan ku heynta magaalada 01-Jannaayo sanadkii 2012 ee ina dhaafay.


Hadaba guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo la hadllay HOL ayaa hanbalyo iyo bogaadin u dirray shacabka guud ahaan gobollka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in labo munaasabadood ay u dabaal dagayaan oo kala ah soo dhaweynta sanadka cusub ee 2013-ka iyo xiligii laga saaray magaalada sida uu hadalka u dhigay kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha waxaa uu soo qaaday ama uu ka hadllay isbadalka la taaban karo ee sanad kadib ka jira magaalada Baladweyne, gaar ahaan nabad-galyada oo uu sheegay in wax badan laga qabto.

‘’Magaalada waxaa ka jira amaan buuxa oo leysku halleyn karo, kadib arrinta uga howlgaleen si wada jir ah ciidamada maamulka gobollka, ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, iyo kuwa dowladda Itoobiya,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobollka.

Isbadalkaas dhinac nabad-galyada ee laga hergaliyay magaalada ayuu sheegay in uu sababayay xoogeysiga iyo kobaca ganacsiga ka jira Baladweyne oo ahaa mid aad u liitay waqtigii ay gacanta ku hayeen sida uu sheegay Al-shabaab.

‘’Waad arki kartaa sida ay magaalada isku badashay, dhaq dhaqaaqii ganacsiga waa uu xoogeystay, maalin kasta waxaa magaalada ka baxa gadiid xamuul u sida gobollada koonfureed iyo Bari, halka kuwa kalana ay soo galaan, xitaa waxaan oran karnaa mudadaas sanadka ah waxaa dib ugu soo laabtay Baladweyne dad ka kooban qeybaha bulshada oo markii hore isaga cararay Al-shabaabm," ayuu yiri C/fitaax Xassan Afrax.

Dhinaca hormarka laga sameeyay adeega bulshada ayuu sheegay in la tayactiray inta badan xarumihii dowladda, sida saldhiga baliiska, xarunta ay hadda ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta maamulka degmada, xasbiga oo wax badan laga shaqeeyay, sidoo kalana waxaa uu jira ayuu yiri dib u dhis ay magaalada ka wadaan qurba joogta oo sanadkii ina dhaafay ee 2012 siweyn ugu soo laabanayay magaalada Baladweyne.

Waxaa kaloo uu guddoomiyaha soo qaaday dib u dhis lagu sameeyay ciidamada maamulka tababaro is xig xigay loogu qabtay magaalada Baladweyne, taasoo ay gacan buuxda ka geysteen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada.

‘’ Dib u dhiska ciidamada xoogga ayaan saarnay, tababarkii la siiyayna waa uu ka muuqda hadda, waxaan oran karnaa waa kuwa dhaliyay isbadalka nabad-galyo ee ka jira magaalada Baladweyne,‘’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha.

Dhinaca samafalka, waxaa uu sheegay in safaro is daba joog ah ay magaalada ku soo gaareen wafuud ka kala soctay hay’addaha samafalka kuwaasoo siweyn u daneynaya in ay xafiisyo ka furtaan magaalada, waxaana ay balan-qaadeen ayuu yiri in sanadkan cusub ay si toos ah uga howlgalyaan magaalada Baladweyne.

Waxaa uu sheeegay in maamulka uu hogaamiyo xoogga saaray sidii loo caawin lahaa qoysaskii ay fahataahada ku dhuftay dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ee 2012-ka, isaga oo u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geystay sidii dadkaas loo caawin lahaa, haddii ay ahaan lahaayeen shirkadaha xawaaladaha, qurbaha joogta, iyo hay’addaha samafalka.

Sanadkan cusub ee 2013-ka ayuu sheegay in maamulka uu hogaamiyo uu qorsheynayo sidii loo gaari lahaa qeybaha kale ee gobollka ee wali ku harsan gacanta Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in qorshahaas la soo gabagabeeyay dhawaanna lagu dhaqaaqi doono.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha gobollka Hiiraan waxaa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobollka guud ahaan gaar ahaan magaalada Baladweyne in ay midoobaan kana shaqeeyaan nabad-galyada.

Sanadkii aynu soo dhaafnay magaalada Baladweyne waxaa booqasho kala duwan ku ymid wafuud ka soctay dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud, xubno ka tirsan xukuumada, sidoo kale waxaa xusid mudan in sanadkaas uu magaalada soo booqday wasiirrka gaashaandhiga dalka Jabuuti Cabdi Max’ed Kaamil.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.













Click here
1/1/2013 9:13 PM EST
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Sannadkii la soo dhaafay ee 2012. Waxaa idiin soo diyaariyey Hiiraan Online iyo Bartamaha.com

1/1/2013 8:27 PM EST
Mogadishu, Somalia,Janaayo,02 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.

1/1/2013 12:43 PM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Illaa afar askari ayaa ku dhintay, 25 kalana way ku dhaawacmeyn shil baabuur oo ka dhacay galabta duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

1/1/2013 12:30 PM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Dalalka Soomaaliya iyo Siiriya oo ay rabshado ka jireen sannadkii hore 2012 ayaa waxay noqdeen dalalkii lagu dilay suxufiyiintii ugu badnayd caalamka, iyadoo guud ahaan caalamka lagu dilay 121 suxufi, sida ay sheegtay hay’adda isku-tagga suxufiyiinta caalamka ee IFJ oo saldhiggeedu yahay xarunta dalka Belgium ee Brussels.

1/1/2013 11:38 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UGUB oo kamid ahaa ururadii ay guddiga doorashooyinka ee Puntland ku reebeen wareegga 1-aad ee diiwaan gelinta ayaa sheegay in qaab aan sharci ahayn lagu reebay.

1/1/2013 7:40 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo waaweyn oo la taaban karo gaartay sannadkii hore 2012 isagoo xusay in xafiiskiisa uu si kama dambeys ah ugu guuri doono Muqdisho.

1/1/2013 7:09 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto madaxweyne ku dhaqangaliyey Miisaaniyaddaa sanadkan 2013- taasoo dorraad iyadoo aan laga doodin duuduub u ansixiyeen golaha Wakiiladdu.

1/1/2013 6:57 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaer ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Buzdag oo la hadlayay wakaaladda wararka Anatolia ee dalka Turkiga ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin in Turkiga uu barbar taagnaado, isagoo intaa ku daray in shacabku ay aad ugu farxayaan markii ay arkaan diyaarad uu leeyahay Turkiga oo gargaar bani'aadamnimo u sidda.

1/1/2013 6:55 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii sagaalaad oo uu dalka uga baxo tan iyo markii u loo xilka loo doortay bishii September ee sannadkii hore wuxuu ku tagay dalka Suudaan, halkaasoo uu kaga qaybgali doono dabaal-deg loo sameynayo markii ay Suudaan xorriyadeedda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.

1/1/2013 4:15 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliya sanadka cusub ee 2013, isagoona u rajeeyay umadda Soomaaliyeed in sanadkan kiisa kale ay ku gaarto bash-bash iyo barwaaqo

1/1/2013 3:16 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Israsaaseyn xooggan ayaa xalay gudaha magaalada kismaayo ku dhexmartay dagaalyahanno katirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya.

1/1/2013 2:54 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dilay oday dhaqameed siweyn looga yaqaan magaalada Kismaayo, iyadoona aan la garanayn ilaa imika sababta ka danbeeysa dilka loo geystay nabadoonkaasi.

1/1/2013 1:25 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Sannadkii hore ee 2012 waxaa gudaha dalka Soomaaliya ka dhacy dhacdooyin kala duwan oo isugu jiray kuwo murugo reebay iyo kuwo farxadeed, iyadoo sannadkii hore la dilay 18 wariye oo ka howlgalayay warbaahinta dalka, kuwaasoo intooda badan lagu dilay magaalada Muqdisho.

1/1/2013 1:18 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Iyadoo ay shalay ku ekeyd muddadii ay horay guddiga doorashooyinka ee Puntland ugu qabteen furashada ururada siyaasadda, ayaa waxaa si rasmi ah loo shaaciyey ururada buuxiyey shuruudihii diiwaan gelinta ee uu guddigu aqoonsaday.

1/1/2013 12:36 AM EST
Heesta Sannadka Cusub ee 2013: Maxamed S. Tubeed - Waan heesayaayee, Sannad waliba hoodiyo howl iyo dhibaatiyo wuxuu hadimo leeyahay....