3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Warbixin ku saabsan dhacdooyinkii Waaweynaa ee Sannadkii hore 2012-kii ka dhacay Gudaha dalka Soomaaliya


Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Sannadkii hore ee 2012 waxaa gudaha dalka Soomaaliya ka dhacy  dhacdooyin kala duwan oo isugu jiray kuwo murugo reebay iyo kuwo farxadeed, iyadoo sannadkii hore la dilay 18 wariye oo ka howlgalayay warbaahinta dalka, kuwaasoo intooda badan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha sida weyn loo xusuusan karo ayaa waxaa ka mid ah inay dhalatay dowlad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato 22 sano oo colaado ah kaddib, waxaana dowladdaas ay bedeshay dowladdii ugu dambeysay kuwii KMG ahaa oo dalka ka talinayay muddo 12-sano ah.

Inkastoo weli ay ammaan-darro ka jirto dalka, haddana dowladda cusub waxay isku dayaysaa inay ammaanka soo celiso, iyadoo tallaabadii ugu horreysay oo ay qaaddayna ay ahayd inay qaaddo 60-isbaaro oo yaallay magaalada Muqdisho.

Bishii Ogoosto ee sannadkii hore ayaa la ansixiyay dastuurka dalka iyadoo ay ansixiyeen 825 ergay oo ka kala yimid gobollada dalka, iyadoo isla bishaan la dhaariyay in ka badan 200 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaankii ugu horreeyay oo uu dalku yeesho muddo 22 sano ah kaddib.

Sidoo kale, 10-kii September ayuu baarlamaanka Soomaaliya madaxweyne u doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa 25 murashax oo isku soo taagay qabashada xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo laba casho kaddib qarax ismiidaamin ah lala beegsaday Xasan Sheekh oo kula kulmay hoteel Jaziira wafdi ka socday dalka Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Sam Ongeri, waxaana qaraxaas ku dhintay askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 06-dii Oktoobar u magacaabay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaasoo xukuumaddiisa soo dhisay bishii November, waxaana baarlamaanka Somaaliya ay ra’iisul wasaaraha, golaha wasiirrada iyo ku xigeennadiisa ku ansixiyeen codad aqlabiyad ah.

Xasan iyo Saacid ayaa waxay sheegeen in howsha ugu badan ee ay qaban doonaan inta ay xilka hayaan ay tahay sidii dalka ugu soo dabbaali lahaayeen nabad iyo kala dambeyn, ayna dalka u gaarsiin lahaayeen sidii ay uga dhici lahayd doorasho xor ah oo ay dadweynuhu soo doortaan mas’uulkii hoggaamin lahaa.

Isbedelka Ammaan ee Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka muuqda isbedel dhinaca dhismaha ah, kaddib markii laga dareemay ammaan, inkastoo ay weli dhacaan falal kasoo horjeeda ammaanka, haddana waxaa ammaanka yar uu soo jiitay Soomaali badan oo muddo dheer dibadaha dalka ku noolaa, kuwaasoo dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana billaabay inay dhisaan hoteello goobo ganacsi oo kale.

Ammaanka caasimadda kasoo bidhaamay ayaa wuxuu sababay in waddada ugu muhiimsan caasimadda Soomaaliya ee Maka Al-Mukarama uu noqdo mid saxmad ah oo gaadiidka ugu badan caasimadda uu maro, waxaana nasiib-wanaag ah inay ka howlgalaan ciidammo taraafiko ah oo kala hagaya gaadiidka kaddib 22 sano oo fowdo ay jirtay.

“Si weyn ayaan ugu faraxsannahay inaan dalkeenna kusoo laabanno, waayo waxaa kala duwan fikirkii aan dalka ka haysannay iyo sida aan ku aragno hadda,” ayaa laga soo xigtay Soomaali qurbo-joog ah oo muddo dheer dalka uga maqnaa dibadda.

Magaalada Muqdisho ayaa dib u camirmaysay tan iyo sannadkii hore, iyadoo dib loo dayactiray dhismayaal ay burbur xooggan u geysteen dagaalladii ka dhacayay Muqdisho, iyadoo kuwo kale oo cusubna laga dhisay magaalada taas oo sare u qaadday bilicdii magaalada.

Ganacsiga magaalada ayaa dib u soo laabanaya, iyadoo taasi ay sabab u tahay ammaanka ifaya, waxaana ganacsi xooggan uu ka jiraa suuqyada waaweyn sida suuqa Bakaaraha oo mid ugu weyn Soomaaliya iyo suuqa labaad ee Suuq Bacaad.

Dhibaatooyinkii Murugada Reebay

Sidoo kale, sannadkii hore (2011) waxaa dhacay falal naxdin badan reebay kuwaasoo ay ka mid yihiin: Qaraxyo ay ku dhinteen suxufiyiin xildhibaanno, madax isboorti, saraakiil iyo dadweyne kale, kuwasoo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolka Galguduud.

Bishii Abriil ee sannadkii hore waxaa qarax ismiidaamin ah oo ay fulisay qof haweeney ah uu ka dhacay tiyaatarka Muqdisho, waxaana ku dhintay xubno ay ka mid ahaayeen madaxdii isbrootiga Soomaaliya, waxaana qaraxaas uu dhacay xilli ay halkaas ka socotay munaasabad ay hadallo ka jeedinayeen xubno ka tirsan xukuumaddii KMG ahayd sida ra’iisul wasaarihii hore, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Xubnihii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid ahaa: guddoomiyihii xiriirka Olombikada Soomaaliyeed, Aadan Xaaji Yabaroow Wiiq iyo gudodomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, Siciid Mugaambe. Iyadoo mas’uuliyadda qaraxaas lagu eedeeyay Xarakada Al-shabaab.

Bishii May ee sannadkii hore, waxaa qarax ismiidaamin ah lagula beegsaday magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud xildhibaanno iyo xubno ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca, waxaana qaraxaas ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Xubnihii ku dhaawacmay qaraxaas waxaa ka mid ahaa Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo dhaawiciisa loo qaaday dalka Itoobiya, waxaana shirkii ka socday degmada Dhuuso-mareeb uu ahaa mid looga hadlayay sameynta maamul goboleed laga hirgeliyo bartamaha Soomaaliya.

Bishii September 20-keedii xilli maqrib ah ayaa waxaa qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Baar Village oo ku dhow guriga hooyooyin ee Muqdisho, iyadoo ay halkaas ku dhinteen dad badan 30-qof oo ay ku jireen saddex wariye oo lab ka mid ah ay ka howlgalayeen idaacadda ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Qaraxaas oo ay fuliyeen laba wiil oo xirnaa dharka ciidamada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay Al-shabaab, balse Al-shabaab way ka gaabsatay inay qaraxaas sheegato ama ay diiddo. Iyadoo suxufiyiinta sannadkan ku dhintay Soomaliya lagu kala digay, Somaliland, Puntland iyo deegaannada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Al-shabaab oo degmoooyin laga qabsaday

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo aan qayb ka ahayn howgalka Midowga Afrika ayaa waxay kala wareegeen Al-shabaab deegaanno kala duwan oo ay awood badan ku lahayd kuwaasoo ay ka mid tahay degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Bishii Feberaayo ee sannadkii hore ayay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya waxay Al-shabaab kala wareegeen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay Al-shabaab maamulaysay in ka badan saddex sano, iyadoo ay ka mid ahay degmada degmooyinka ay awoodda badan ku lahayd.

Bishii May ee sannadkii hore ayay sidoo kale, ciidamada dowladda iyo AMISOM waxay kala wareegeen Al-shabaab degmada Afgooye iyo deegaannada u dhow oo ay ka mid yahay deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho iyo sidoo kale degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Bishii Juun ee sannadkii hore ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab degmada Balcad oo 30-km waqooyi kaga began magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena ay bishan ciidamada is-bahaysanaya kala wareegeen Al-shabaab degmada Jowhar ee xarunta gobolka.

Sidoo kale, ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay waxay Al-shabaab kala wareegeen degmooyinka Marko iyo Kismaayo oo ahaa laba degmo oo ay saldhig waaweyn ku lahayd Al-shabaab, iyadoo tani ay muujisay in Al-shabaab ay awood ahaan aad hoos ugu dhaceen.
Ugu dambeyn, sannadkan ayaa waxaa la rajeynayaa inuu ka wanaagsanaan doono sannadkii hore, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay ballaqaadeen inay wax weyn ka bedeli doonaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/1/2013 9:13 PM EST
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Sannadkii la soo dhaafay ee 2012. Waxaa idiin soo diyaariyey Hiiraan Online iyo Bartamaha.com

1/1/2013 8:27 PM EST
Mogadishu, Somalia,Janaayo,02 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.

1/1/2013 12:43 PM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Illaa afar askari ayaa ku dhintay, 25 kalana way ku dhaawacmeyn shil baabuur oo ka dhacay galabta duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

1/1/2013 12:30 PM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Dalalka Soomaaliya iyo Siiriya oo ay rabshado ka jireen sannadkii hore 2012 ayaa waxay noqdeen dalalkii lagu dilay suxufiyiintii ugu badnayd caalamka, iyadoo guud ahaan caalamka lagu dilay 121 suxufi, sida ay sheegtay hay’adda isku-tagga suxufiyiinta caalamka ee IFJ oo saldhiggeedu yahay xarunta dalka Belgium ee Brussels.

1/1/2013 11:38 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UGUB oo kamid ahaa ururadii ay guddiga doorashooyinka ee Puntland ku reebeen wareegga 1-aad ee diiwaan gelinta ayaa sheegay in qaab aan sharci ahayn lagu reebay.

1/1/2013 7:40 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo waaweyn oo la taaban karo gaartay sannadkii hore 2012 isagoo xusay in xafiiskiisa uu si kama dambeys ah ugu guuri doono Muqdisho.

1/1/2013 7:09 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto madaxweyne ku dhaqangaliyey Miisaaniyaddaa sanadkan 2013- taasoo dorraad iyadoo aan laga doodin duuduub u ansixiyeen golaha Wakiiladdu.

1/1/2013 6:57 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaer ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Buzdag oo la hadlayay wakaaladda wararka Anatolia ee dalka Turkiga ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin in Turkiga uu barbar taagnaado, isagoo intaa ku daray in shacabku ay aad ugu farxayaan markii ay arkaan diyaarad uu leeyahay Turkiga oo gargaar bani'aadamnimo u sidda.

1/1/2013 6:55 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii sagaalaad oo uu dalka uga baxo tan iyo markii u loo xilka loo doortay bishii September ee sannadkii hore wuxuu ku tagay dalka Suudaan, halkaasoo uu kaga qaybgali doono dabaal-deg loo sameynayo markii ay Suudaan xorriyadeedda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.

1/1/2013 5:05 AM EST
Talaado, Jannaayo, 01, 2013 (HOL) – Mudo sanad ku dhan ayaa laga joogaan waqtigii ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo xiligaa gacan militari ka hellayay kuwa dowladda Itoobiya, iyaga oo si buuxda u hantiyay gacan ku heynta magaalada 01-Jannaayo sanadkii 2012 ee ina dhaafay.

1/1/2013 4:15 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliya sanadka cusub ee 2013, isagoona u rajeeyay umadda Soomaaliyeed in sanadkan kiisa kale ay ku gaarto bash-bash iyo barwaaqo

1/1/2013 3:16 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Israsaaseyn xooggan ayaa xalay gudaha magaalada kismaayo ku dhexmartay dagaalyahanno katirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya.

1/1/2013 2:54 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dilay oday dhaqameed siweyn looga yaqaan magaalada Kismaayo, iyadoona aan la garanayn ilaa imika sababta ka danbeeysa dilka loo geystay nabadoonkaasi.

1/1/2013 1:18 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Iyadoo ay shalay ku ekeyd muddadii ay horay guddiga doorashooyinka ee Puntland ugu qabteen furashada ururada siyaasadda, ayaa waxaa si rasmi ah loo shaaciyey ururada buuxiyey shuruudihii diiwaan gelinta ee uu guddigu aqoonsaday.

1/1/2013 12:36 AM EST
Heesta Sannadka Cusub ee 2013: Maxamed S. Tubeed - Waan heesayaayee, Sannad waliba hoodiyo howl iyo dhibaatiyo wuxuu hadimo leeyahay....