3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in ciidamada ka socda Ingiriiska aysan wax lug ah ku yeelan doonin howlaha Milateri


Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay ciidamada ay Xukuumadda Britain sheegtay inay u dirayso Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadaas aysan wax lug ah ku yeelan doonin howgallada milateri ee dalka ka socda.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in ciidamada Ingiriiska ee dalka Imaanaya ay gacan tababarro siin doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya si ammaanka dalka loo sugo, balse aysan jirin howl kale oo ay dalka u imaanayaan.

Wargeysyada kasoo baxa London ayaa qoray shalay in dowladda Ingiriiska ay sheegtay inay iskaashi milateri la sameynayso dalal ay Soomaaliya ku jirto, ayna koox yar oo ciidamadeeda ah u dirayso Muqdisho.

“Dowladda Ingiriiska waxaan kula heshiinnay inay tababarro siiso ciidamada Soomaaliya, sidoo kalena ay naga taageerto qalabeynta ciidamadeenna,” ayuu madaxweynuhu kaga jawaabay su’aal ku saabsan ciidamada Ingiriisku ay u soo dirayaan Soomaaliya oo ay weydiiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Qaahira oo uu xalay la kulmay.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in heshiiskan ay ka shaqeyn doonaan guddiyo fasamo oo ay labada dal u saarayaan turxaan-bixinta heshiiska oo uu sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah u baahan yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in ciidamadan aysan qayb ka noqon doonin dagaallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika kula jiraan Xarakada Al-shabaab oo dhulal badan laga qabsaday 18-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Ciidammo ka socda dalka Britain ayaa la sheegay in sannadkii hore si hoose u yimaadeen Soomaaliya, iyagoo dhinaca farsamada ka taageerayay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo xilligaas dagaallo adag kula jiray Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/8/2013 12:02 PM EST
Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa xukuumadda ku dhaliilay wada shaqayn la’aan kaliftay in arrimihii amniga wax laga sheego iyo khilaaf uu sheegay inuu ka dhex jiro madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo maalmihii u dambeeyey la hadal hayey.

2/8/2013 11:16 AM EST
Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Muddaaharaad muddo kooban socday oo looga soo horjeedo madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xatunyta gobolka Bari.

2/8/2013 11:14 AM EST
Jimco, February 08, 2013(HOL): Waxaa magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Caymeed laga bilaabay dhisme isbitaal lagu xanaanaynayo dadka dhimrka wax ka qaba, kaas oo loogu magac daray Dr. Xabeeb.

2/8/2013 10:54 AM EST
Jimco, February 08, 2013(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay aad u kacsan tahay kaddib markii ay la weeraray hotel uu magaalada Baydhabo ka deganaa guddoomiyaha cusub ee ay dowladda Soomaaliya u magacawday Gobolka Bay.

2/8/2013 7:56 AM EST
Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) —Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safarro kala duwan oo ay kusoo kala bixiyeen qaar katirsan wadamada caalamka.

2/8/2013 7:17 AM EST
Jimco, Feberaayo, 08, 2013 (HOL) -- Mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya oo maalintii shalay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa maanta xukunno isugu jira dil toogasho iyo xabsi waxaa ay ku riday eedeysanayaal la hor keenay maxkamadda.

2/8/2013 7:07 AM EST
Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) —Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ay ugu jiraan sidii xooogagga Al-shabaab ay uga saari lahaayeen qeybaha ay uga suganyihiin gobollada Jubooyinka.

2/8/2013 6:03 AM EST
Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) —Qarax xooggan ayaa saaka gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay gaari ciidan oo ay wateen askar katirsan ciidamada dowladda, xilli uu marayay xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo.

2/8/2013 1:50 AM EST
Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga adlka Masar ayaa xalay magaalada Qaahira kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.

2/8/2013 1:39 AM EST
Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in hay’adaha garsoorka dalka ay ka madaxbannaan yihiin hay’adaha kale ee xukuumadda, isagoo xusay in maxkamaduhu ay iyaga u madaxbannaan yihiin xukunnada ay ridayaan.