4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Dhismaha Isbitaal lagu Xannaaneynayo dadka Maskaxda la' oo laga billaabay Magaalada Buuhoodle

Jimco, February 08, 2013(HOL): Waxaa magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Caymeed laga bilaabay dhisme isbitaal lagu xanaanaynayo dadka dhimrka wax ka qaba, kaas oo loogu magac daray Dr. Xabeeb.

 

Magaaladda Buuhoodle oo bishii aan soo dhaafnay laga furay Isbitaal dadka maskaxda wax uga dhiman yihiin oo ay ku soo qulqulayeen boqolaal dad ah uuna qaadi waayey sida uu sheegay Dr. C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb hoygii ay deganaayeen ayaa waxaa la dhagax dhigay xarun isbitaalkaasi yeelanayo.

 

Dhulka Isbitaalkaas oo loogu magac daray Dr. Xabeeb ayaa waxaa  ku deeqay Bille Faarax  Maxamed Gucure oo ka mid ah qurba joogta degaankaasi oo ku sugan wadanka Maraykanka.

 

Jaamac Xasan Cabdi Jini oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in qurbajoog ahaan ay sameeyeen Hay`ad ay u bixiyeen Ilays Relief Organizaition taas oo shaqayn doonta balse haatan hawsha ay qabanaysaa ay tahay Isbitaalka Xabeeb.

 

Maamulaha  Xaruntaas Dr. C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb ayaa waxa uu aad u soo dhoweeyey dadka reer buuhoodle oo aan u kala hadhin sidii ay gacan uga siin lahaayeen hawalaha uu wado, waxaanu si aad ah uga mahad celiyey magacbixinta Xaruntaasi oo loogu magac daray.

 

Dr. Xabeeb waxa uu ka war bixiyey Isbitaalada ku yaala magaaladda Muqdisho oo uu intooda badan sheegay in loogu magac daray ragii dhisay oo ay ka mid ahaayeen sida uu sheegay Eng. Difer, Eng, Martini iyo qaarkaloo badan, taas uu uga mahad naqay dadka reer buuhoodle Nolosha ay isga ku xuseen magiciisana ku weyneeyeen.

 

Madaxda dhaqanka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Siciid Cismaan  Cali ayaa waxaa ugu baaqay qurbajoog iyo daljoogba inay si degdeg ah isugu xilqaamaan dhisida iyo dhamaystirka Isbitaalka Dhimirka ee Xabeeb

 

Suldaan Siciid waxa uu dawladda federaalka ka codsaday in ay wax kala qabtaan hawlaha ay dadka reer Buuhoodle keligood wadaan isagoo xusay Garoonka Diyaaraddaha ee ay wadaan sanadaha badan iyo Isbitaalkanba.

 

Ugu danbayntii waxaa halkaasi duco iyo waano iyo waxtarba ku soo gabagabeeyey Cali iyo Garaad C/laahi Garaad Soofe Duraan oo sheegay in iskaashigu uu yahay furaha horumarka isla markaana looga baahan yahay bulshada Soomaaliyeed inay iskaashiga lagu dhisaayo Isbitaalka.

 

Ibitaalkan oo la filayo inay xooga saaraan bulshada Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku kala sugan ayaa hadana dadka reer Buuhoodle waxa ay ka walaacsan yihiin sidii loogu heli lahaa boqolaal qof oo haatan ku sugan magaaladdaasi kana kala yimi meela kala duwan degaan ay ku sii negaadaan iyadoo maalin ka horna meelo balbalooyin ahaa oo dadkaasi lagu dabiibi jirey dabaylo dumiyeen.

 

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool