4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayay oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) —Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safarro kala duwan oo ay kusoo kala bixiyeen qaar katirsan wadamada caalamka.

Wafdiga madaxweynaha oo ay kamid ahaayeen ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiiru dowladaha madaxtooyada faarax C/qaadir, wasiiru dowlaha arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Mudane Max’ed Nuur Gacal ayaa markii uu soo gaaray garoonka Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho waxaa si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda oo uu hogamaainayay gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof: Max'ed Cismaan Jawaari iyo dadweeyne fara badan.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyay safarradii kala duwanaa ee uu ku soo bixiyay dalalka Itoobiya, Mareykanka, Biljimka, Ingiriiska iyo Masar, wuxuuna sheegay in safarkoodii uu ugu soo dhamaaday si guul ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda dalalkii uu booqashada ku tagay uu kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda Soomaaliya, isagoona xusay in madaxda dalalkaasi ay u ballanqaadeen in ay si dhab ah u taageerayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Masar uu kula kulmay madax dhowr ah oo kasocotay qaar katirsan wadamada Carabta, wuxuuna xusay in ay uga warbixiyeen xaaladda uu marayo dalka iyo taageerada ay u baahantahay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan taageerada caalamka la garab taaganyahay Soomaaliya, islamarkaasina ay la shaqeeyaan dowladda si buu yiri ay dib ugu soo laabato sharaftii iyo magacii uu lahaa dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahanyahay wixii qalad ah ee dhaca in la saxo islamarkaasina la joojiyo is cambaareeynta si uu dalka uga baxo xaaladda uu imika ku suganyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa safarro kala duwan kusoo maray dalalka Itoobiya, Mareykanka, Ingiriiska, Biljimka iyo dalka Masar, halkaasoo ay kulamo kula soo qaateen madaxda dalalkaasi iyo weliba jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan goobahaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya