4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Dowladda Ingiriiska oo ciidammo gaar ah u direysa Soomaaliya


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Ingiriiska ayaa sheegtay in koox yar oo ciidamadeeda ka mid ah ay u dirayso Soomaaliya taasoo billow u ah iskaashi dhinaca milateriga ah oo ay la yeelanayso dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay tababarro siin doonaan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa dowaldda, sidoo kalena waxay talo dhinaca ammaanka ah siin doonaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Wasaaradda gaashaandhigga Ingiriiska ayaa sheegtay in ciidamadan ay fariisin ka sameysan doonaan safaaradda Birtain ay ka furanayso Muqdisho, saldhiggaas oo ay ka ilaalinayaan dublamaasiyiinta Ingiriiska ah ee ku sugan safaaradda.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay noqonayso markii ugu horreysay oo Britain ay faraha la gasho dalka Soomaaliya oo ay dagaallo ka socdeen muddo ka badan labaatan sano oo xiriir ah, inakstoo xaaladdu ay si weyn isku bedeshay.

Arrintan ayaa waxay imaanaysaa xilli dowladda Ingiriiska ay toddobaad ka hor sheegtay inay xaalad ammaan-darro ka jirto Somaliland muwaadiniinteedana ay isaga baxaan iyo iyadoo toddobaadkan uu safar ku joogay magaalada London madaxweynaha Soomaaliya.

Lama sheegin go’aankan inuu ka dhashay kulan dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin arrintan.

Wargeysyada dalka Britain qaarkood oo soo xiganayay ilo wareedyo ku dhow wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa qoray in ciidamada lagu wado in la keeno Soomaaliya ay ka mid yihiin 240-askari oo dhawaan uu tababar uga furmi doono saldhig ciidan oo ku dhow London.

Dowladda Ingiriiska oo aan ka mid ahayn ciidamadii UNOSOM ee soo galay Soomaaliya horraantii sagaashamaadkii oo dagaallo sokeeye ay dalka ka jireen ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay ciidammo u soo dirto Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya