4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Gaadiidka Gurmadka degdegga ee Muqdisho billaabay inay Gurmad u fidiyaan Haweenka Uurka leh iyo Caruurta Jirran


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambalaasta ah ayaa Muqdisho ka billaabay howlo ay ugu gurmanayaan xilliyada habeenkii ah oo aanu gaadiidka jirin haweenka uurka leh ee ku jira xilliga foosha iyo caruurta xanuunsan.

Agaasimaha gaadiidka gurmadka deg-degga ah, C/qaadir C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in howshan cusub ay tahay mid ay ku caawinayaan haweenka aan heli karin foosha, maadaama aan xilliyada habeenkii ah la helin gaadiid.

“Howshan ma ahan mid aan lacago uga doonayno dadka jilicsan ee aan doonayno inaan u gurmanno, waxaan doonaynaa inaan saacidno bulshada inteeda jilicsan, howshuna waa mid soconaysa 24-ka saac, toddobaadka oo dhan,” ayuu yore C/qaadir Aadan.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay inay dhibaato xooggan ka haysato inay u gurmadaan dadka ay dhibaato ku qabsatay degmooyinka ku yaalla cirifyada magaalada, sida Kaaraan iyo Suuqa Xoolaha, isagoo ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir inay u sameeyaan baro ay heegan ku galaan si ay dhaqso ugu gaaraan degmooyinka lagala soo xiriiro.

“Tusaale ahaan haddii aan xarun ku yeelanno degmada C/casiis waxaan u gurman karnaa dadka nagala soo xiriira, degmooyinka Kaaraan, Huriwaa, Xamar-weyne, Yaaqshiid Xamar-jajab iyo Shibbis,” ayuu yiri C/qaadir.

Dhanka kale, agaasimaha gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa sheegay in qofka bukaanka ah uu soo wici karo taleefoonka lambarkiisu yahay 999, markaas kaddibna uu dhageysan doono fariimaha la siinayo, iyadoo marka la ogaado halka uu deggen yahay ay gaadiidku gurigiisa ugu tegi doono.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa waxay howlahooda billaabeen sannadkii 2008, xilligaas oo ay dagaallo culus ka socdeen xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, balse waxay hadda u muuqdaan inay u wareegeen sidii ay u caawin lahaayeen dadka jilicsan, maadamaa ay dagaalladii ka jiray Muqdisho ay dhammaadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya