3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Isbaheysiga Nabada Soomaaliya oo xukunkii Weriye Koronto iyo Haweeney la kufsaday ku tilmaamay cadaalad-darro


Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Isbaheysiga nabadda Soomaaliya ayaa cadaalad-darro ku tilmaamay xukunkii maxkamada gobolka Banaadir ay shalay ku riday weriye, Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) iyo Luul Cali Cusmaan oo ah haweeney Soomaaliyeed oo sheegtay in la kufsaday.

Maxkamadda gobolka ayaa min hal sano oo xabsi ah ku xukuntay labadan qof ee kala ah haweeneyda la kufsaday iyo wariyaha tabiyay warkeed,  kaddib markii ay ku caddaatay sida maxkamadu sheegtay inay iska kaashadeen war been abuur oo ku saabsan kufsi ay sheegtay haweeneyda inay u geysgeen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha Isbaheyiga nabadda Soomaaliya, Cabdullaahi Seekh Xasan oo shir jaraaid ku qabtay maanta xafiiskiisa Muqdisho ayaa ceeb iyo fool-xumo ku tilmaamay xukunkii lagu riday wariyaha iyo haweeneyda dhibanaha ahayd uuna wax u dhimayo kalsoonidii ay ku qabeen beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed.

“Isbaheysigu wuxuu aad uga xun yahay xukunkii maxkamadda Gobolku ay ku riday dhibanaaysha kala ah: Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cusmaan shalay oo taariikhdu ahayd 05/02/2013. Sidoo kale isbaheysigu wuxuu u arkaa xukunkaas mid cadaalad-darro ah oo lagu dhiirigelinayo kuwa geysta dambiyada; isla markaasna lagu caburinayo dhibanayaasha inay dhibkooda sheegtaan, waxaan ku tilmaami karnaa in dhibbanihii iyo dembiilihii la isku bedelay,” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu wax lagu qoslo ku tilmaamay guddi shalay ra’iisul wasaaraha Somalia uu u magacabay inay ku sameeyaan baaritaanno dilalka suxufiyiinta iyo kufsiga haweenka, xilli isla saacadaas xukun cadaalad- darro ah lagu ridayay ayuu yiri weriye iyo hooyo la kufsaday oo uu wareystay, isagoo arintaas ku tilmaamay riwaayad shacabka loo dhigayay.

“Haweenka Soomaaliyeed caado uma lahan inay sheegaan haddii la kufsado bal iskaba dhaaf way qariyaan, haweeneydii kaliya ee ku dhiirratay inay si cad u sheegto in la kufsaday waxaa loo xiray maxaad u sheegtay dambiga laguu geystay. Weriye Koronto waxaa loo xiray shaqadiisa oo kaliya, iyadoo ujeedadu tahay maxaad u wareystay haweeneyda dhibanaha ah, xitaa haddii ay been sheegeyso isagu dembi kuma laha kumana yeelan karo,” ayuu intaa ku daray C/llaahi Sheekh.

Guddoomiyaha Isbaheyiga nabadda Soomaaliyeed ayaa intaas ku daray in maxkamaddu ay diidday markhaatiyaal caddeyn lahaa in la kufsaday Luul iyo in dacwada lagu saleeyo shareecada Islaamka, ayna dhegeysatay oo kaliya dhinaca wax eedeeynayay.

“Isbaheysiga nabaddu wuxuu ka digayaa in ciidamada amaanka, gaar ahaan nabad-sugidda dadka la iska xirayo dembi la’aan; iyadoo aan maxkamad lasoo taagin, waa arrin sharci-darro ah waana in xukuumaddu ka fiirsato waxay ciidamadeedu sameynayaan,” ayuu yiri hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, guddoomiyaha isbahaysiga nabadda wuxuu xukuumadda uga digay in maamullo ay u sameyso gobollada dalka; iyadoo dadka deegaanka gobolladaas aysan raalli ka ahayn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda in wax laga qabto khatar dhinaca nolosha ah oo ku iman karta dadka dan-yarta ah, taasoo uu sheegay haddii aanay xukuumaddu deg-deg wax uga qaban sicir-bararka dhaawaca geystay ay meesha ka saareyso awooddii wax gadashada dadka dan yarta ah.

“Dalka waxaa burburka heerkaan ah soo gaarsiiyay waxay ahayd cadaalad- darro ay ku kaceen maamulladii hore, dowladda waxaaan kula talinayaa inay cadaaladda ilaaliso, haddii kale waxay mari doontaa halkii ay mareen kuwii cadaalad-darrada sameyn jiray. Yaana dib loo celin rajada ummadda ee ku saleysan dowladnimada bidhaantay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay guddoomiyaha isbahsiga nabadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/6/2013 1:09 PM EST
Wareysi gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh uu siiyay Hiiraan Online ayuu uga waramay qodobo muhiim oo ay ka mid yihiin Shirka bisha May ee magaalada London, socdaalkiisa London iyo arrimo kale.

2/6/2013 11:53 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal booqasho maalin ah ku yimid taliye ku xigeenka koowaad ee ciidamada booliiska Somaliland, Jen. C/raxmaan Axmed Liibaan (Fooxle), iyadoo booqashadan lagu sheegay mid loogu kuurgalayay ciidanka booliiska ee ku sugan degmada.

2/6/2013 11:52 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Haweenka gobolka Banaadir, gaar ahaan labada urur ee SSWC iyo HINA ayaa maanta ku qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay deeq lacageed oo tabarucaad ah ku siinayeen haween dan-yar ah oo gaaraya illaa 30 si ay ugu shaqeystaan.

2/6/2013 7:49 AM EST
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay shirka Ururka Islaamka (OIC) oo ka furmay caasimadda Qaahira.

2/6/2013 7:29 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 06, 2013 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

2/6/2013 7:24 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Dowaldda Mareykanka ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay inay tixigeliso codsidii dowladda Soomaaliya ee ahaa in cunno-qabteynta hubka laga qaado si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda si ay dalka oo dhan ammaank ugu soo rogto.

2/6/2013 6:58 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay xarunta wasaaradda ee magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arimo badan.

2/6/2013 6:34 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Ingiriiska si uu ugala soo hadlo wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi amni daradii ay ku sheegeen Somaliland iyo sidii ay cilaaqaadka labadda dhinaca uga dhexeeya usoo hagaajin lahaa.

2/6/2013 6:28 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Puntland ee gobolka Mudug ayaa xalay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ka sameeyey howlgal ballaaran oo lagu soo qabtay in ka badan 200 oo qof.

2/6/2013 6:26 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka ururka Islaamka (OIC) kasoo ay kasoo qayb-galayaan 59 dowladdood oo Islaam ah.

2/6/2013 3:22 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Iyadoo tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya ay dalka Soomaaliya ka dhaceen colaado u dhexeeyay qabaa’illada Soomaaliyeed kuwaasoo sababay in la isku ugaarsado qaab qabiil iyo weliba in lakala dhaco hanti ayay dowladda Soomaaliya shaaca ka qaaday in ay dhiseyso guddi qaran oo kasoo talo bixiya habka ugu haboon ee dib loogu celin karo hantida ay kala heystaan dadka Soomaaliyeed.

2/6/2013 2:20 AM EST
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.