4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo loogu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayo xubno katirsan goliihiisa wasiirada, oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/shakuur Cali Mire, Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble, Xildhibaanno iyo saraakiil kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, Odoyaal dhaqameed, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wafdiga ayaa imika xarunta ciidamada AMISOM ee magaalada Baladweyne kulan kula leh Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo madaxda maamulka degmadaasi, waxaana la filayaa in wafdiga uu booqasho kusoo maro qeybaha kala duwan ee magaaladaasi.

Ra'isul wasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa in Xerada Lamagalaay ee magaalada Baladweyne uu kula hadlo shacabka ku dhaqan degmadaasi, waxaana guud ahaan magaalada Baladweyne siweyn looga hadal hayaa wafdiga uu hogaaminayo ra'isul wasaaraha ee gaaray halkaasi.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay maamullo ugu dhisi lahayd gobollada Dalka Soomaaliya ee lagala wareegay Al-shabaab, iyadoona dowladda Soomaaliya ay maamul KMG ah u magacowday magaalada Baydhabo wallow ay jiraan siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaasi oo siweyn uga soo horjeestay maamulka ay dowladdu usoo magacowday degmadaasi.

Magaalada Baladweyne ayaa ah degmada keliya ee katirsan gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, halka goobolka intiisa badan ay maamulaan xoogagga Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda dowladda soomaaliya iyo ciidamada nabad ilalainta Midowga Afrika ee AMISOM.

Faahfaahin ku saabsan booqashada wafdiga ra’isul wasaaraha haduu Alle yiraahdo waxaad uga bogan doontaan wararkeena danbe.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya