4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la Qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya

Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dowladda, iyadoona kulankaasi uu ku saabsanaa kala warqaadasho iyo dar-dargelinta howlaha wasaaradaha.

Ra’isul wasaare Saacid oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaalihii uu kala hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, wuxuuna sheegay in kulankooda ahaa mid kala warqaadasho iyo iswareysi, isagoona sheegay in ay uga gun leeyihiin sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha wasaaradaha.

“Ujeedada shirkan maanta aynu kula kulemeyno agaasimeyaashii guud ee wasaaradaha Soomaaliya dhamaantood waxa weeye in aynu isbadalka cusub oo Soomaaliya ka dhacay la xaqiijiyo in uu gaaro meelkasta oo Soomaaliya ka tirsan, wasaaradaha uu sii maro uu gaaro ilaa iyo faraca ugu hooseeya oo maamulka dalka si loo xaqiijiyo isbadal buuxa in lagu talaabsado,” ayuu ra’isul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hore kulamo kuwan lamid ah uu ula qaatay golaha wasiirada isalamarkaasina ay kawada hadleen sidii isbadalka cusub ee Soomaaliya loogu baahin lahaa guud ahaan gobollada dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale hadaladiisa kamid ahaa: “Maantana waxaanu isugu nimid tirada intan la eg, dantuna waxa weeye inaan is wada wargelinno, inaanu wada hadalno oo wax kala baranno inaanu isla qaabeeyno sida ugu fiican oo fariinta isbadalka Soomaaliya ay u gaari lahayd Soomaaliya oo dhan.”

Kulanka uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya la qaatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay maamulka dowladda ugu baahin lahayd guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya