3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka lagu daweeyo TB-da ee Degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

Axad, February 03, 2013(HOL): Deeqraashin ah ayaa gabdho ku dhaqan dalka Holland ay soo gaadhsiiyeen isbitaalka Qaaxadda (TB) ee magaaladda Laascaanood Xarunta Gobolka Sool.

 

Deeqdan oo uu soo gaadhsiiyey masuuliyiinta Isbitaalkaa Cali Cabdi Xaashi Madaxa xawaaladda Tawakal ayaa waxa uu sheegay in ay hablahani u soo wakiisheen in uu gaadhsiiyo isbitaalka raashin ay ugu tala galeen quudinta dadka isbitaalka TBda ku sugan.

 

Dr. Cabdi Maxamed Buraale oo ah madax Isbitaalka TBda ayaa waxa uu sheegay in hablahani ay mar kasta la garab taagan yihiin walaalahooda buka kaalmo sidii ay suuragal ugu ahaan lahayd inay dawadu wax tarto, waxaanu kaloo xusay inay jiraan qaar kale oo haweenka qurba joogta ka mid ah inay iyaguna sidoo kale gacan siiyaan.

 

Dr. Buraale waxa uu ugu baaqay bahweynta degaanka u dhalatay ee daafaha dunida ku dhaqan inay gacan siiyaan dadka caafimaad darradu asiibtay si loo helo dad badan oo walwal baahiyeed hayso ay isbitaalka u yimaadaan.

 

Isbitaalka TBda ee Laascaanood ayaa bilihii u danbeeyey waxaa kor u soo kacaayey dadka la jiifinaayo taas oo sababteeda bahda caafimaadku ay ku saleeyeen deeqda ay ka helayaan dadkaas isxilqaamay oo suuragelisey in loo helo quudin, maadaama ay adag tahay in dad meel dheer ka yimi ay ku jiri karaan waadhka dhaqaale la`aan.

 

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
2/3/2013 1:43 PM EST
Axad, Feberaayo 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegtay maanta oo Axad ah in Dowladdu ay difaaci doonto haweenka la kufsdo, kaddib markii hay’daha deeqaha bixiya iyo kuwa xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen xarigga haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidammo ka tirsan dowladda iyo wariye wareysi la yeeshay.

2/3/2013 11:03 AM EST
Axad, Febaraayo 3, 2013 (HOL)-Waxaa maanta xabaalaha Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso lagu aasay AHN Suldaan Muuse Faarax Muuse (unkud) oo shalay koox dabley ahi ay ku toogteen bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

2/3/2013 9:50 AM EST
Axad, February 03, 2013 (HOL) - Uruka kubadda kulayga ee adduunka (FIBA) ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegeen in Ciyaarhanka Soomaaliyeed Faisal Jama Adan uu jabiyey recorkii dhibcaha ugu badan ee hal ciyaar horayna uu dhigay Oscar Schmidt oo ah nin Brazil ah ciyaarihii Olympics ee lagu qabtay magaalada Seoul ee W. Korea sannadkii 1988.

2/3/2013 8:33 AM EST
Axad, Feberaayo, 03, 2013 (HOL) -- Kadib dagaal culus oo habeen hore ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowga Africa ee AMISOM iyo Al-shabaab, ayaa markii ugu horeeysay waxaa HOL dagaalkaasi iyo sida uu u dhacay uga waramay taliska ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne.

2/3/2013 7:23 AM EST
Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dowladda, iyadoona kulankaasi uu ku saabsanaa kala warqaadasho iyo dar-dargelinta howlaha wasaaradaha.

2/3/2013 6:11 AM EST
Axad, February 03, 2013(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay la hadlay Soomaalida UK, isagoo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay Hoolka Central Hall Westminster ee magaalada London.

2/3/2013 5:48 AM EST
Axad, February 03, 2013(HOL): Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa lagu qabtay xaflad soo dhaweyn ah xulka wiilasha K/Kolayga Qaranka ee reer Canada iyo xoghayaha Guud ee Xirrirka somaliyeed Kubbada Koleyga Mudane Saciid Faarax Ducaale oo dhawaan ka soo labbatay Tartantankii Kubbada Koleyga ee Zone V oo lagu qabtaty dalka Tanzania magaalo madaxdiisa Daresalaam.

2/3/2013 2:19 AM EST
Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliyaa ayaa lagu magacaabay guddi ka shaqeeya xakameynta hoos u dhaca baahsan ee ku yimid sarifka lacagaha Doollarka, taasoo mudooyinkii u danbeeyay ay cabasho ka muujinayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

2/3/2013 2:03 AM EST
Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu xalay ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya, iyadoona qaraxaasi uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

2/3/2013 1:57 AM EST
Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Waxaa maalinimadii jimcaha ee aynu kasoo gudubnay dalka Uganda tababar ciidan loogu soo xiray 500 oo askari, kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar dhanka Militariga ah uga socday dalkaasi.