3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Ciyaartoydii ka Qaybgalay Tatankii Kubadda Kolayga ee FIBA Zone V oo casho sharaf loogu sameeyay Toronto (SAWIRRO)


Axad, February 03, 2013(HOL): Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa lagu qabtay xaflad soo dhaweyn ah  xulka wiilasha K/Kolayga Qaranka ee reer Canada  iyo xoghayaha Guud ee Xirrirka somaliyeed Kubbada Koleyga Mudane Saciid Faarax Ducaale oo dhawaan ka soo labbatay Tartantankii Kubbada Koleyga ee Zone V oo lagu qabtaty dalka Tanzania magaalo madaxdiisa Daresalaam.

 

Xafladaan oo si hufan loo soo agaasimay, ayna soo qabanqaabiyeen bahweynta Isboortiga ee magalada Toronto, gaar ahaan gabdhahii Kubbada Koleyga ee berisamaadkii.  Casho sharaftaan waxaa ka soo qayb galay dad badan ee reer Toronto ah, bahda Isboortiga  iyo qaar ka mid ah waaliddinata ciyaartoyda.

 

Ahmed Qalaafe oo ka mid aha culumaa’udiinka ku dhaqan Toronto , isla markaana ka mid ahaan jiray ciyaartoydii berisamaadkii ee Kubadda Koleyga ayaa ku furay aayado qur’aan ah, isagoo ciyaartoydana u jeediyay hadal kooban oo dhiirrigelin ahaa.

 

Sidoo kale waxaa hadallo dhiirrigalin iyo hambalyo isgu jirta ka soo jeediye Sultaan Abdirahman Olol Diinle, Xildhibaan Abdirahmaan Olol Diinle.Macaliim Abdi Dheere, iyo Sahro Geelle. Intaas kaddib waxaa hadalka lagu wareejiye ciyaartoygii xulka Qarankii ee Kubadda Koleyga.

 

Ciyaartoyda oo ay ka muuqatay wajiyadooda farxad ah inay matalaan xulka qaranka soomaaliya, waxeey mahad weyn u celiyeen Xoghayaha guud Saciid Faarax oo isku dubariday kooxdaan.

 


Ugu dambeeyntii waxaa hadalkii qaatay xoghayaha guud Saciid Faarax , wuxuuna madasha ka soo jeediyay warbixin dheer oo ku saabsaneyd  sida kooxdaan loo abuuray iyo horumarka aay gaareyn.

 

Xoghayaha waxuu mahad ballaaran u diray shaqasiyaadkii  iyo shirkadahii ku deeqay dhaqaalaha  suurta galiyanaya in ay ka qayb qataan taratanka Zone V. Si gaar ah waxuu mahad u diray Al Fanaan Abdulqadir Jubba iyo Boqol, Duqa Magalad Muqadishu Tarzan, xawaalada bakaal, Xawaalada Juba Express, Juba Airways, Amaan Trading Co. Jaaliyada Reer Qatar, HIRDA, Bahda Kubadda Koleyga ee reer London. Bahda sportiga ee reer Ottawa, sido kale waxaa mahad ballaaran u diraya bulshda somaliyeed ee reer Tanzania gaar ahaan wuxuu mahad ballaaran u dir Reer Abdullaahi Nuur Garguurte,Hooyo Xabiiba Nur Ragem Saciid Shamow, Ahmed Malabaow iyo xaaskiisa Jija Camaloow, iyo Colonel Dhool.

 

Ugu dambeeyntii xoghayaha waxaa uu ku dhaawaaqy guddi sharfeed kala shaqeeya XSKK  caqadaha dhaqaale ee hor-taagaan xulka qaranka soomlaaliyeed. Gudigaas waxaa k kooban yihiin Guddomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Ahmed Nuur Tarzan, Guddomiye ku xieggenu Mahad Abdullahi Nur iyo Saciid Shaamow, Mohmed Gedi Santur, Saciid Nuur, Abdullahi Xaaji iyo Fathu diin Ali Mohamud.

 


Sidoo kale wuxuu XSKK abuuray guddi gaar ah oo la shaqeeyo guddi sharafeedkaas ku xusan, waxaan ka mid Ahmed Musse Hussein , Abdulkadir Jaamac Musse Dhamme iyo Mohamed Shiikh Weli

Ugu danbeeyntii casho sharaftaas waxeey ku soo dhammaatay jawi wanaagsan.




 

 Xafiiska Wararka Hiiraan Online













Click here
2/3/2013 1:43 PM EST
Axad, Feberaayo 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegtay maanta oo Axad ah in Dowladdu ay difaaci doonto haweenka la kufsdo, kaddib markii hay’daha deeqaha bixiya iyo kuwa xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen xarigga haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidammo ka tirsan dowladda iyo wariye wareysi la yeeshay.

2/3/2013 11:03 AM EST
Axad, Febaraayo 3, 2013 (HOL)-Waxaa maanta xabaalaha Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso lagu aasay AHN Suldaan Muuse Faarax Muuse (unkud) oo shalay koox dabley ahi ay ku toogteen bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

2/3/2013 9:50 AM EST
Axad, February 03, 2013 (HOL) - Uruka kubadda kulayga ee adduunka (FIBA) ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegeen in Ciyaarhanka Soomaaliyeed Faisal Jama Adan uu jabiyey recorkii dhibcaha ugu badan ee hal ciyaar horayna uu dhigay Oscar Schmidt oo ah nin Brazil ah ciyaarihii Olympics ee lagu qabtay magaalada Seoul ee W. Korea sannadkii 1988.

2/3/2013 8:33 AM EST
Axad, Feberaayo, 03, 2013 (HOL) -- Kadib dagaal culus oo habeen hore ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowga Africa ee AMISOM iyo Al-shabaab, ayaa markii ugu horeeysay waxaa HOL dagaalkaasi iyo sida uu u dhacay uga waramay taliska ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne.

2/3/2013 7:23 AM EST
Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dowladda, iyadoona kulankaasi uu ku saabsanaa kala warqaadasho iyo dar-dargelinta howlaha wasaaradaha.

2/3/2013 6:39 AM EST
Axad, February 03, 2013(HOL): Deeqraashin ah ayaa gabdho ku dhaqan dalka Holland ay soo gaadhsiiyeen isbitaalka Qaaxadda (TB) ee magaaladda Laascaanood Xarunta Gobolka Sool.

2/3/2013 6:11 AM EST
Axad, February 03, 2013(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay la hadlay Soomaalida UK, isagoo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay Hoolka Central Hall Westminster ee magaalada London.

2/3/2013 2:19 AM EST
Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliyaa ayaa lagu magacaabay guddi ka shaqeeya xakameynta hoos u dhaca baahsan ee ku yimid sarifka lacagaha Doollarka, taasoo mudooyinkii u danbeeyay ay cabasho ka muujinayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

2/3/2013 2:03 AM EST
Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu xalay ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya, iyadoona qaraxaasi uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

2/3/2013 1:57 AM EST
Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Waxaa maalinimadii jimcaha ee aynu kasoo gudubnay dalka Uganda tababar ciidan loogu soo xiray 500 oo askari, kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar dhanka Militariga ah uga socday dalkaasi.