4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
Xukuumadda Somalia oo guddi gaar ah u saartay Maareynta Hoos u dhaca ku yimid Sarifka Lacagta Doollarka

Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliyaa ayaa lagu magacaabay guddi ka shaqeeya xakameynta hoos u dhaca baahsan ee ku yimid sarifka lacagaha Doollarka, taasoo mudooyinkii u danbeeyay ay cabasho ka muujinayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Wasiir K/xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mudane C/shakuur Cali Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada oo uu shir gudoominayay ra’isul wasaaraha xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) lagu magacaabay guddi u xilsaaran xakameyn hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagta Doollarka ee suuqyada gobolka Banaadir.

Mudane C/shakuur ayaa sheegay in guddiga la magacaabay ay hogaaminayaan wasaaraha ganacsiga iyo maaliyadaha, wuxuuna xusay in maalmaha nagu soo aadan isbedel weyn laga dareemi doono sarifka lacagaha doollarka.

Waxay xukuumaddu u saartay wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga in ay si deg-deg ah qorshe u keenaan ayadoona dowladdu qaadi doonto tallaabooyin is xig-xiga oo lagu xakameynayo dhibaatada ka dhalatay arimaha sarifka ee lacagaha, si deg-deg ah ayayna dowladdu wax uga qabaneysaa dowladda ayadoona haduu alle yiraahdo laga dareemi doono suuqyada magaalada,” ayuu masuulkani hadalkiisa raaciyay.

Kulanka golaha wasiirada ay uga hadlayeen arinta hoos u dhaca ku yimid sarifka ayaa kusoo beegmaya xilli shacabka reer Muqdisho ay ka dalbadeen xukuumadda Soomaaliya in ay soo farageliso hoos u dhaca ku yimid dollarka, maadaama sicirka raashiinka uu yahay mid aan wax isbadal ah ku iman halka uu siweyn hoos ugu dhacay sarifka Doollarka, arintaasoo siweyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho iyo gobollada ku xeeran.

Mudooyinkii u danbeeyay waxa hoos u dhac baahsan laga dareemayay sarifka lacagaha doollarka, waxayna arintani saameyn ballaaran ku yeelatay dadka danyarta ah iyo kuwa  iyagu lacagaha biilka looga soo diri jiray dalka dibadiisa, maadaama sarifka $100 (boqolkii dollar) uu gaaray lacag dhan Sh.Som 1,800,000 (malyan iyo sideed boqol oo kun) halka uu markii hore ahaa lacag dhan Sh. Som 2,200,000  (laba milyan iyo laba  boqol oo kun), waxaana weli sarifku uu yahay mid aan fadhin iyadoona laga cabsi qabo in uu hoos uga sii dhaco halka uu imika marayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya