Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah ururada bulshada rayidka ah oo xildhibaan Keith Ellison kula kulmay magaalada Nairobi
Khamiis, February 21, 2013 (HOL) - Keith Ellison oo ah xildhibaan kamid ah congresska
waddanka Maraykanka oo dhawaan booqday magaalada Muqdisho ayaa shalay galinkii
dambe soo gaaray magaalada Nairobi.
Waxaana xildhibaanku uu kulan la qaatay siyaasiyiin ay kamid
yihiin gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Iikar, safiirka
Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali nuur Ameeriko,xildhibaan
C/raxmaan Xoosh Jibriil,xildhibaan Xirsi Aadan Rooble,Dayib Maxamuud Sheekh iyo
Siciid Qorsheel.
Waxaana xildhibaanka ay uga mahad celiyeen booqashadii
taariikhiga ahayd ee uu ku tagay magaalada Muqdisho, taasoo ay ku tilmaameen
inay sii xoojinayso aqoonsigii uu dhawaan Maraykanku siiyay dawlada federaalka
ah ee Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya jaylaani Iikar
oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu aad ula dhacsanyahay heerka uu
marayo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka ayna tahay buu yiri in la sii
xoojiyo.
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah wasiirkii hore ee
dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta oo isna la hadlay xildhibaanka ayaa ka
codsaday in la adkeeyo xiriirka u dhexeeya baarlamaanka Soomaaliya iyo
Maraykanka, tababarna loo furo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ku
aadan dajinta sharciyada dalku uu ku shaqaynayo.
Waxaa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay xilligan ku jirto
marxalad wanaagsan loona baahanyahay in lagala shaqeeyo dawlada Soomaaliya
sidii loo dhaqan galin lahaa dastuurka cusub ee dalku uu yeeshay.
Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya ayaa isna ku
boorriyay Maraykanka inay sii wadaan la shaqaynta dawlada Soomaaliya, taasoo uu
sheegay inay wax wayn ka tarayso horumarka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ay
Soomaaliya tiigsanayso.
Hibo Yaasiin oo ka socotay ururada bulshada rayidka ah,
madaxna ka ah ururka IIDA ayaa iyaduna ku boorrisay dawlada Maraykanka inay ka
shaqayso sidii loo dardar galin lahaa taageerada ay siiso bulshada rayidka ah
ee Soomaaliya.
Ugu dambayntiina Dayib Maxamuud Sheekh oo kamid ah
aqoonyannada Soomaaliyeed ee mudada dheer ku noolaa dalka Maraykanka ayaa
tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay taageerada ay dawladda Maraykanku siisay
dawlada Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay xoojinayso soo celinta qaranimadii
iyo midnimadii Soomaaliya.
Xildhibaan Keith Ellison ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay
inuu tago Muqdisho, isagoo xusay inay mar walba weydiin jireen Soomaalida ku
nool Minnesota oo ah deegaanka laga soo doorto, xilliga uu tegi doono Soomaaliya,
balse uu codsigaasi ka jawaabay uuna ku faraxsanyahay horumarka siyaasadeed ee
uu Soomaaliya ku soo arkay.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya