3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bay oo laga kexeeyay Baydhabo iyo Xaaladda Magaaladaas oo Maanta Deggen

Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa deggen maanta kaddib markii Talaadadii lasoo dhaafay laga kexeeyay degmadaas guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Bay, C/fitaax Maxamed Geeseey oo horay uga soo horjeestay maamulka ay dowladdu u magacowday Gobolkaas.

Ciidammo gaar ah oo watay diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa ka kexeeyay degmada Baydhabo C/fitaax Geeseey, iyadoo howsha ay si rasmi ah ula wareegeen maamulka cusub oo uu guddoomiye u yahay, Cabdi Aadan Hasoow.

“Xaaladdu waa mid deggen, kaddib maalmo kacsanaan ah magaaladana ma joogaan ciidammo dhawaanahan is-barbar-yaacayay, runtiina nabad ayaan dareemaynaa,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo oo la hadlay HOL.

Sidoo kale, waxaa degmada Baydhabo laga qaaday 120-askari oo booliis ah kuwaasoo ka howlgeli jiray magaalada, waxaana ciidamadaas tababar looga furay maanta dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho.

Magaalada oo maalmahan xiisadi ka jirtay ayay xaaladeedu sii hagaagaysaa iyadoo shacabka degmada Baydhabo ay dareemayaan xasillooni maalmihii lasoo dhaafay aan jirin.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen Al-sbabaab sannadkii lasoo dhaafay.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
2/21/2013 12:55 PM EST
Khamiis, February 21, 2013(HOL): Tartan isboorti oo ay ka qeyb galayeen 8 kooxood mudo todobaad ahna ka soconayay Garoonka kubada Cagta lamagalaay ee Magaalada beledweyne ayaa lasoo gaba gabeeyay.

2/21/2013 12:48 PM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saddex askari ku xukuntay dil iyo xabsi kaddib markii lagu helay inay geysteen falal dil ah, iyadoo mid ka mid ah askarta la xukumay uu dilay wiil yar oo dugsi qur’aan dhiganayay.

2/21/2013 12:46 PM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Shacabka degmada Saylac ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay sugto ammaanka deegaankooda oo koox yar ay isku dayayso inay qalqal geliyaan, haddii kale ay iyagu u istaagi doonaan inay ammaankooda sugtaan.

2/21/2013 10:56 AM EST
Khamiis, Febraayo,19 2013(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka cusub ay dowladda Japan u soo magaacwday Soomaaliya.

2/21/2013 9:55 AM EST
Khamiis, February 21, 2013 (HOL) - Keith Ellison oo ah xildhibaan kamid ah congresska waddanka Maraykanka oo dhawaan booqday magaalada Muqdisho ayaa shalay galinkii dambe soo gaaray magaalada Nairobi.

2/21/2013 7:25 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay madaxa hay’adda samfalka ee Mareykanka USAID, Mr. Rajiv Shah. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Mr. James Swan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

2/21/2013 6:19 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayAY waxa diinta Islaamku ay ka qabto gabdhaha sida khasabka ah lagu guursado ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankan ka qayb-galay culumaa'uddiin, waxgarad iyo ururada bulshada rayidka ah Soomaaliyeed.

2/21/2013 6:18 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) —Wararka aynu ka heleyno magaalada Liboyo ee ku taal soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay saaka aroortii weerar ku qaadeen goob masaajid ah oo ku taal tuulo ku dhow magaaladaasi.

2/21/2013 1:20 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loogu xukumay dilal toogasho.

2/21/2013 1:18 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada dowladda AMISOM ayaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku jiiray gobolka Shabeellada Hoose, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

2/21/2013 12:52 AM EST
Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xalay fiidkii kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Soomaalida ku nool halkaas.