4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Toddobo qof oo ku dhimatay weerar lagu qaaday Masaajid ku yaal deegaan ku dhow Magaalada Liboyo ee dalka Kenya

Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) —Wararka aynu ka heleeyno magaalada Libooyo ee ku taal soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen goob masaajid ah oo ku taal tuulo ku dhow magaaladaasi xilli lagu gudo jiray salaadda subax.

Weerarka oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Malele oo qiyaastii 25-km u jirta xerada qaxootiga Dhadhaab, ayaa la sheegay in saaka aroortii xilli lagu gudo jiray salaadda subax in kooxo ku hubeysan qoryo nooca AK-47 ay rasaas ooda uga qaadeen masaajidka iyadoo ay halkaasi salaadda ku oogayeen dad badan oo Muslimiin ah, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen ilaa todobo qof oo shan kamid ah ay ku jireen gudaha masaajidka.

Booliska ayaa xaqiijiyay dhimashada todobada qof, waxayna sheegeen in laba kamid ah dadkaasi ay ahaayeen haween ay rasaastu ku haleeshay bannaanka masjidka.

Booliska ayaa intaasi ku daray in ragga weerarka geeystay ay ku hubeysnaayeen qoryaha noca AK-47-ka, waxayna xuseen in ay socdaan baaritaanno la doonayo in lagu ogaado cidda ka danbeeysa weerarkaasi.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Libooyo ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha weerarka geeystay ay gaarayeen ilaa sideed nin oo hubeysnaa, waxaana kooxahaasi la sheegay in ay gubeen guri ku yaallay nawaaxiga Masjidka, iyadoona sidoo kale la sheegayo in la la'yahay qaar kamid ah dadkii masjidka ku tuknayay.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan magaalada Garissa uu ka dhacay qarax aad u weyn, kaasoo uu ku dhintay ruux Miino ku aasayay garoon ku yaal Iskuulka garissa Primay, halkaasoo la filayay in ay qudbad ka jeediso haweeneyda musharaxa madaxtinimo ee xizbiga Narc Kenya Martha Karua.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya