4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo kulan la qaatay Soomaalida ku nool Magaalada Addis Ababa (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xalay fiidkii kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Soomaalida ku nool halkaas.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliyeed ee Addis Ababa ayaa waxaa ka qaybgalay Soomaali isugu jirta dhallinyaro rag iyo dumar leh,  waayeel iyo caruur, iyadoo dumarku ay xirnaayeen dhar ka sameysan calanka Soomaaliya, wuxuuna kulankan ka dhacay xaafadda Booli ee Addis Ababa oo ay Soomaalidu ku badan tahay.

“Soomaaliya hadda waxaa ka jira isbedel weyn oo dhinacyada ammaanka, sidoo kale waxaa socda isbedello dhinaca horumarka ah,” ayuu khudbadiisa ku sheegay guddoomiyaha baarlamaanka, isagoo ugu baaqay Soomaalida ku nool Itoobiya inay kala shaqeeyaan dalka ay martida u yihiin nabadgalyada .

Afhayeenka baarlamaanka wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dusha u ridanayso sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed ugu abuuri lahayd shaqooyin, isagoo xusay in baarlamaanku uu fursado shaqo u soo bandhigay dhallinyarada wax ka bartay jaamacadaha dalka.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool Addis Ababa oo iyaguna kulankaas kasoo qaybgalay ayaa waxay halkaas kusoo bandhigeen tixo suugaaneed ay ku cabirayeen dareenkooda ku aaddan sida ay ula dhacsan yihiin isbedelka ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee Addis Ababa, Maxamuud Ciise Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in jaalliyadda Soomaaliyeed inay aad u taageersan yihiin dowladda Soomaaliya, ayna muddo badan ku taamayeen in dalka uu helo dowlad dhameystiran oo wax ka qabata dhibaatooyinkii soo jiray muddada dheer.

Xildhibaan Cabduqaadir Baqdaadi oo ah wafdiga hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay in dhibaatada maanta Soomaaliya ka jirta ay sababtay waddaniyad-xumo haysata Soomaalida, balse looga Soomaalida dibadaha ku nool inay dib ugu laabtaan dalka iyagoo muujinaya wadaniyad si ummaddu u ogaato dhibaatooyinka ay leedahay waddaniyad xumada.

Kulankaan ayaa wuxuu gabo-gabo u ahaa booqasho ay guddoomiyaha iyo wafdigiisu ku joogeen magaalada dalka Itoobiya, iyagoo intii ay halkaas ku sugnaayeenna booqday magaalada Jigjiga ee xarunta Itoobiya iyo dhowr meelood oo ku yaalla xarunta Itoobiya ee Addis Ababa.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya