3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Golaha Ammaanka ee Ummadaha Midoobay oo Go’aan ka Qaadanaya Cunno-qabteynta hubka ee Saaraan Soomaaliya


Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka qaadanaya cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya 21-kii sano ee lasoo dhaafay, si dib loogu dhiso ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab.

Cunno-qabteynta hubka kusoo rogay Soomaaliya sannadkii 1992, si looga hortago inay sii xoogeystaan dagaallo u dhexeeyay dagaal oogayaal isku haystay talada dalka, kaddib laba sano markii la tuuray dowladdii hore ee milateriga ahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Saacid ayaa noqonaya mas’uuliyiintii ugu horreeyay ee hoggaamiya dowlad rasmi ah oo Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 1991-kii maraaskoo si fudud xukunka looga tuurtay dowladdii uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.

“Si loo xoojiyo dadaallada socda waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon oo la hadlayay 15 xubnood ee golaha ammaanka.  Isagoo intaas ku daray: “Sidaa daraadeed, golaha ammaanka waxaa laga doonayaa inay tixgeliyaan codka dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in laga qaado cunno-qabteynta hubka.”

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay doonayso inay dib u dhisto ciidamadeeda xoogga dalka ayaa haddana waxaa dalka ku sugan 17,600 oo askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaaso ciidamada dowladda gacan ku siinaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

“Xilligan ammaanka Soomaaliya waa mid soo hagaagaya, balse wax-iska-caabintu waa mid weli taagan. Dagaalyahannada kasoo horjeeda dowladda weli waxay wadaan weerarro argagaxiso iyo dilal qorsheysan,” ayuu Ban ku yiri warbixintiisa.

Sidoo kale, Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in kooxaha qas-wadayaasha ah aan loo ogolaan inay helaan fursadaha ay raadinayaan. Isagoo xusay in loo baahan yahay in si feejigan loola socdo kooxahaas.

 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay dib u eegis ku sameeyaan horraanta bisha Maarso ee snnadkan muddada howlgalka ciidmada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya. Sidoo kale goluhu wuxuu bishan dhamaadkeeda adkeyn doonaan xayiraadda lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taasoo la sheegay inay Al-shabaab ka hesho dhaqaale badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/2/2013 4:35 PM EST
Sabti, February 02, 2013(HOL): Waxaa goor dhaw ka billaabatay Hoolka Central Hall Westminster, xaflad si weyn loo soo qaabeeyay oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa oo beryahan ku sugnaa magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

2/2/2013 2:53 PM EST
Sabti, February 02, 2013(HOL): Isu soo bax lagaga soo horjeedo kala goynta Soomaaliya isla markaana lagu taageerayo midnimada umada Soomaaliyeed inay tahay mid lama taabtaan ah ah ayaa lagu qabtay magaaladda Buuhoodle gobolka Cayn.

2/2/2013 11:32 AM EST
Sabti, February 02, 2013-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah oo howl shaqo u jooga London ayaa maanta kulamo la qaatay saraakill sar sare oo ka tirsan dowladda Ingriiska.

2/2/2013 8:08 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa markii ugu horaysay ciidamadda Somaliland ee kala duwan siiyey darajooyin, waxaanay noqonaysaa muddo 22 sanno ka dib inay somaliland qaybiso darajooyinka ciidanka, kuwaas oo ku qaadan doona mushaharkoodda, isla markaana miisaaniyadda sanadkan lagu daray in mushaharka lagu siiyo sarkaal waliba darajadda uu sito.

2/2/2013 7:18 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay manta dacwadda loo haysto shan ruux oo ku eedeysan inay ka been abuureen ciidamada dowladda, kuwasoo ay ku jiraan wariye Koronto, haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo saddex ruux oo kale, kuwaasoo uu ku jiro sayga haweeneyda la kufsaday.

2/2/2013 7:14 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa suldaanka guud ee beelaha Ugaar Saleebaan, ayaa barqanimadii maanta lagu toogtey bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

2/2/2013 6:59 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa dhaq dhaqaaqyo militari ka wada deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

2/2/2013 6:52 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xukumaddu wado qorshe ay kor u qaadayso wax soo saarka dalka si looga baxo cuntadda dibadda laga keensaddo.

2/2/2013 6:51 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Buug cusub oo lagu soo koobay taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed ayaa xalay lagu soo bandhigay hoolka hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ee xarunta Somailland.

2/2/2013 2:20 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar banbaano ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku lahaayeen degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoona weerarkaasi uu sababay dhaawaca sedex qof oo laba kamid ah ay katirsanyihiin ciidamada dowladda.

2/2/2013 1:15 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka geysatay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay ku dishay tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena ay ku burburisay gaadiid dagaal iyo kuwo xamuul.

2/2/2013 12:56 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somailand, Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada Somaliland, si loo adkeeyo ammaanka guud ee deegaannada uu maamulka Somaliland ka taliyo.

2/2/2013 12:45 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Britain ayaa ugu baaqay Soomaalida dibadaha ku nool inay dib ugu laabtaan dalkooda, si ay uga qaybqaatan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaankiisa.