3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Xukuumadda Somaliland oo wadda qorshe lagu gaarayo isku Fillaasho Dhanka Cunnooyinka ah iyo dhiiri-gellinta Wax-soo-saarka

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xukumaddu wado qorshe ay kor u qaadayso wax soo saarka dalka si looga baxo cuntadda dibadda laga keensaddo.

Dr. Sacad Cali Shire waxa usoo jeediyey inay shacabku isticmaalaan cuntooyinka wadaniga ah ee dalkeena ka soo baxa si looga maarmo cuntooyinka dalkeena uga yimaada wadamada dibada, maadaama oo sannad kasta ay lacag aad u badani inaga baxdo inagoo dalkeena kala soo bixi karna cunta ay dadkeenu cunaan.

“Haddii aanu nahay xukuumadda Somaliland ee maanta talada dalka haysaa waxaanu wadnaa siyaasad ku saabsan qorshe ah in aynu wadan ahaan isku fillaansho xagga cuntada ariintaasina meel fiican bay noo maraysaa”ayuu yidhi wasiirka Qorsheynta Somaliland oo ka hadlayey kulan ay yeesheen ururka Beeraha oo soo bandhigayey dalagyo dalka laga beeray oo ka soo baxay, waxaanu intaas ku daray “Dalkeenu maanta waxa uu xagga cuntada iskaga filan yahay qiyaas ahaan 12.5%. heerkaasina runtii waa mid aad u hooseeya, haddana waxaad moodaa in aynaan u arkin dhibaato badan.”

Wasiirku waxa uu sheegay inay suurtogal tahay in dalalka ay cuntadda inooga timaadaa ay joojin karaan cuntooyinka aynu ka soo iibsano “Dunida maanta dadku aad buu ugu badanayaa. Dhulkii wax laga beeri jirayna aad buu u tayo daraayanayaa. Markaa waxa dhici karta in bari dhaw cunaha laysku qabto oo wadamada qaar yidhaahdaan waxba ma dhoofinayno, sidii uu ruushku bari dhawayd sameeyey oo uu yidhi qamandida dhoofin mayno.”

Wasiirku waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii ay dal ahaan horumar dhinaca wax soo saarka ah ugu talaabsan lahayn si aynu u gaadhno isku filnaansho xagga cuntada ah dhawaan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa isna arbacaddii toddobaadkan khudbaddii uu ka jeedinayey labadda gole Baarlamaan  ee Somaliland, ayaa sheegay in la tijaabiyey cuntooyin badan oo laga beeray dalka, kuwaas oo si fiican uga baxay dalka, waxaanu soo jeedinayey inuu dhiirigalin doono wax soo saarka dalka.

“Wasaaradda Beeruhu waxa ay ku guulaystay in la dhamaystiro qorshe lagu tijaabinayay in Bariisku ka bixi karo dhulka Somaliland, taasi oo lagu guulaystay oo laga midho dhaliyay. Dalagyada kale ee la tijaabiyay waxa ka mid ah Tufaaxa, Cananiska, Muringaha, Mulukhiyada (morinda), Jiir-jiirka (rooket salad), Misirka, Faasuuliyada, Xulbada iyo Sagara xuudka”ayuu yidhi Madaxweynaha oo ka hadlayey wax soo saarka dalka iyo midhihii la tijaaabiyey ee soo baxay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay inay tabobaro siiyeen beeralayda dalka, mudo laba sano gudahooda, waxaana ka faa’iidaystay 2,000 oo beeralay ah oo bartay xirfadahooda wax beeriseed. Waxa kale oo tabobaradan barbar socday buu yidhi kormeero iyo kulamo kala duwan oo lagu dhiirigelinayo beeralayda Dalka, waxaana qalab kala duwan la gaadhsiiyay beeralayda, waxaana ka mid ahaa 10 cagaf oo qiimo jaban lagaga xaraashay beeraley ka kala socota Gobolada  dalka oo dhan. Motoorro, ceelal, tuubooyin, dibi iyo qalab kale oo la gaadhsiiyay.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay in la qaybiyay 7 makiinadood oo kuwa shiida hadhuudhka ah, 3 makiinadood oo kuwa shiida bariiska ah iyo 1 makiinad oo nooca shiida saliida (Sinsinta).

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalka laga hirgalyey Dhisme 16 xafiis ka kooban oo laga fuliyey xarunta wasaarada Beeraha, Dayactir lagu sameeyey dhismayaashii xarunta tababarada Aburiin, qaybana lagu kordhiyey, Dayactir iyo Dayr lagu sameeyey xarumaha wasaarada Beeraha ee Burco, iyo Gabiley.

Arrintan ayaa haddii ay xukuumaddu kaga dhabayso noqonaysa faa’iiddo, maadaama oo imika ay dadweynuhu aad u isticmalaan cuntooyinka dalka ka baxa oo habeenkii inta badan aad arakaysid hudheeladda cuntooyinka wadaniga lagu sameeyo oo aad looga buuxo, taasina waxay cadaynaysa in dadku soo jeclaanayaan inay isticmaalaan cunto wadaniga.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
2/2/2013 4:35 PM EST
Sabti, February 02, 2013(HOL): Waxaa goor dhaw ka billaabatay Hoolka Central Hall Westminster, xaflad si weyn loo soo qaabeeyay oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa oo beryahan ku sugnaa magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

2/2/2013 2:53 PM EST
Sabti, February 02, 2013(HOL): Isu soo bax lagaga soo horjeedo kala goynta Soomaaliya isla markaana lagu taageerayo midnimada umada Soomaaliyeed inay tahay mid lama taabtaan ah ah ayaa lagu qabtay magaaladda Buuhoodle gobolka Cayn.

2/2/2013 11:32 AM EST
Sabti, February 02, 2013-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah oo howl shaqo u jooga London ayaa maanta kulamo la qaatay saraakill sar sare oo ka tirsan dowladda Ingriiska.

2/2/2013 8:08 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa markii ugu horaysay ciidamadda Somaliland ee kala duwan siiyey darajooyin, waxaanay noqonaysaa muddo 22 sanno ka dib inay somaliland qaybiso darajooyinka ciidanka, kuwaas oo ku qaadan doona mushaharkoodda, isla markaana miisaaniyadda sanadkan lagu daray in mushaharka lagu siiyo sarkaal waliba darajadda uu sito.

2/2/2013 8:05 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka qaadanaya cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya 21-kii sano ee lasoo dhaafay, si dib loogu dhiso ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab.

2/2/2013 7:18 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay manta dacwadda loo haysto shan ruux oo ku eedeysan inay ka been abuureen ciidamada dowladda, kuwasoo ay ku jiraan wariye Koronto, haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo saddex ruux oo kale, kuwaasoo uu ku jiro sayga haweeneyda la kufsaday.

2/2/2013 7:14 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa suldaanka guud ee beelaha Ugaar Saleebaan, ayaa barqanimadii maanta lagu toogtey bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

2/2/2013 6:59 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa dhaq dhaqaaqyo militari ka wada deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

2/2/2013 6:51 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Buug cusub oo lagu soo koobay taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed ayaa xalay lagu soo bandhigay hoolka hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ee xarunta Somailland.

2/2/2013 2:20 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar banbaano ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku lahaayeen degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoona weerarkaasi uu sababay dhaawaca sedex qof oo laba kamid ah ay katirsanyihiin ciidamada dowladda.

2/2/2013 1:15 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka geysatay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay ku dishay tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena ay ku burburisay gaadiid dagaal iyo kuwo xamuul.

2/2/2013 12:56 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somailand, Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada Somaliland, si loo adkeeyo ammaanka guud ee deegaannada uu maamulka Somaliland ka taliyo.

2/2/2013 12:45 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Britain ayaa ugu baaqay Soomaalida dibadaha ku nool inay dib ugu laabtaan dalkooda, si ay uga qaybqaatan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaankiisa.