4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdigiisa oo booqday ku tagay Jaamacadda Jigjiga iyo Kulliyado (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta kormeeray jaamacadda Jigjiga iyo kuulliyadaha waxbarashada iyo caafimaadka.

Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa khudbado u jeediyay ardayda wax-ka-barta jaamcadda iyo kulliyada ku yaalla Jigjiga, isagoo ku boorriyay inay si wanaagsan wax u bartaan si ay dadka iyo deegaanka Soomaalida wax ugu qabtaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ku ammaanay maamulka deegaanka Soomaalida ee Itoobiya inay furaan jaamacadda Jigjiga oo ay wax ka bartaan 15,000 oo arday, iyadoo jaamacadda wax looga barto luuqadda Soomaaliga.

Kulliyadaha caafimaadka iyo waxbarashada oo uu booqday ayaa wuxuu ka dhageystay warbixinno maamulka iyo macallimiinta kulliyadahaas wax ka dhiga isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay goobahan soo booqdaan.

Maamulka kulliyadda caafimaadka ee Jigjiga ayaa ku wargeliyay Prof. Jawaari in 2,450 arday ay wax ka bartaan kuliyaddaas, iyadoo kuwii horay uga baxay ay haatan dhakhaatiir ka yihiin deegaannada Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Ardayda wax ka dhiga Jaamacadda Jigjiga iyo kulliyada uu booqday Jawaari ayaa waxay kusoo dhaweynayeen guddoomiyaha iyo wafdigiisa heesta calanka Soomaaliga, waxaana ardayda qaarkood la arkayay iyagoo ilmo ay ka da’ayso indhahooda.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale lagu soo dhaweynayay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo ardayda goobahaas wax-ka-barta ay qoorta u surayeen guddomiyaha iyo wafdigiisa ubaxyo ay ugu talogaleen.

Booqashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ku jooga jigjiga ayaa waxay qayb ka tahay safar muddo hal toddobaad ku dhow uu ku joogo dalka Itoobiya.













Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya