4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo tababaray kusoo qaatay dalka Uganda oo kusoo laabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) —  Ciidammo ka tirsan kuwa dowaldda Soomaaliya oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa dib ugu soo laabtay maanta magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ay si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ciidamadan oo noqonaya dufcaddii ugu horreysay oo dalka soo gaara tan iyo markii ay dhalatay dowladda Soomaaliya ayaa tiradoodu waxay ka badan tahay 500 oo askari, waxayna soo qaateen intii ay tababarka ku jireen casharro ku saabsan sida loola dagaalamo kooxaha hubeysan ee dhuumaaleysanaya iyo tababarro uu ka mid yayay caafimaadka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay saxaafadda markii ay ciidamadan soo degeen kaddib ayaa sheegay in ciidamadan ay isugu jiraan, saraakiil, saraakiil xigeenno; isagoo askartan ugu hambalyeeyay sida wanaagsan oo ay tababarkooda u soo dhameysteen.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay ahmiyad siinaysaa dib u dhiska ciidamada qalabka sida, taasina waxaa caddeyn u ah inaan halkan u joogno sidii aan ku soo dhaweyn lahayn ciidamad,” ayuu yiri Maxamuud Fiqi.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu intaasi ku daray in imaashaha ciidamadan ay wax weyn ka badeli doonaan xaaladda amaanka ee uu dalka ku sugan yahay, isagoo xusay in ciidamadani ay si wanaagsan tababarkoosa kusoo qaateen.

“Waxaad dalka gudihiisa ku qaadan doontaan tababar muddo kooban socon doona, kaasoo aad ku baran doontaan waddaniyadda iyo sidii aad shacabka ugu adeegi lahaydeen,” ayuu wasiirka difaacu hadalkiisa ku daray.

Ciidamadan ayaa waxay muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayeen xero ciidan oo ku taalla galbeedka magaalada Kampala ee dalka uganda, iyagoo tababarka loo qaaday intii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya