4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Ra’iisal Wasaaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Gaas oo la hadlay Soomaalida Minnesota (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 11, 2013(HOL):— Magaalada Mineapolis ee Gobolka Minnesota waxaa xalay ka dhacay kulan si heer sare loo soo agaasimay, kaasi oo ay ka qeybgalay Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan Gobolkaas, waxaana kulankan uu ahaa mid lagu soo dhaweynayay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

 

Kulanka ayaa la siiyay magaca dib-u-dhalasha Qaranka Soomaaliyeed, guulaha iyo fursadaha la rajeynayo iyo caqabadaha imaan kara, waxaana ra’iisal Wasaarihii hore garbihiisa taagnaa xubno ka tirsanaa Xukuumaddii uu hoggaaminayay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Ra’iisal Wasaare  ku xigeenkii hore, ahaana wasiirka gaashaandhigga, Xildhibaan Max'ed Kaynaan  Wasiir Dowlahii hore ee Wasaaradda Ganacsiga, Xaamud Maasheye wasiir dowlihii arrimaha dibadda ee hore, Fowzia Abdikadir ka tirsan ururka IHASA iyoFaysal Roobl e ka tirsan IHASA.

 

Ra’iisal Wasaarihii hore Dr. C/weli Maxamed Cali oo hadalkii la wada sugayay ka jeediyay kulanka ayaa ugu horreyn wuxuu u mahadceliyay dadkii tirada badnaa eeka soo qeybgalay kulanka, si gaar ahna wuxuu ugu mahadceliyay aqoonyahannadii kulanka soo qaabeeyay, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif oo kulanka ka soo qeybgalay iyo fannaaniin heeso waddani ah ka qaaday kulanka, kuwaasi oo ay horkacayeen Hibo Nuura iyo Axmed Cali Cigaal.

 


Intaas kaddib Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu guda galay khudbaddiisa, wuxuuna sheegay in Xukuumaddii Badbaado Qaran ee uu hoggaaminayay markii ugu horreysay oo la magacaabayba ay la kowsatay caqabado isugu jiray Bad-xiran, abaar xooggan oo dalka oo dhan ku dhufatay iyo Al-Shabaab oo Madaxtooyada Soomaaliya sida uu yiri u jiray 1 km. Hayeeshee wuxuu sheegay in howlkarnimo ay muujiyeen Wasiirradii la shaqeynayay iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay ku guuleysteen in ay dalka xoreeyaan, isla markaana ay dalka gaarsiiyaan in uu nidaamkii federaalka ahaa ka baxay.

 

Waxaa uu ka taariikheeyay geedi socodkii uu soo maray Road Map-kii ay ka dhasheen shirarkii ka dhacay Muqdisho Garowe iyo Gaalkacyo, wuxuuna caddeeyay in guusha shirarkaas ay ku timid dulqaad iyo tanaasulaad ay muujiyeen, iyagoo mararka qaarkoodna la kulmayay xaalado adag oo shirarka aan laga wadi karin.

 

Wuxuu ka soo qaaday nidaamka federaalka ah ee la doonayo in lagu dhaqo dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrintaas fahamkeeda ay waqti u baahan tahay. “Haddii aad soomaalida la shakeysato kuwa ogol  federaalka waxay ku ogol yihiin ma garanayaan, kuwa diidanna waxa  ku diiddan yihiin ma garanayaan”ayuu yiri Prof. C/weli Gaas oo carrabka ku dhuftayin nidaamkan soomaalida uga yimid shirkii kenya 2004, waxayna u baahan tahay ayuu yiri in laga wado hadlo  sida loo qaybsan lahaa waxyaalaha wadanka ka soo baxa & habka fadaraalka oo u haboon dadka soomaaliyeed.

 


‘Anigu waxaan ka mid ahay dadka taageersan fadaraalka waxaana taas u leeyahay dalkaan hadda aan joogno ee Maraykanka waa fadaraal, dowladnimadana waxa ugu muhiimsan waxaa weeye qofka sharaftiisa & cisadiisa in la ilaaliyo. Marka sidee loo ilaalinayaa, waxaa laga ilaaninayaa awoodda xoogga badan ee dowladda in wax lagu yeelo, dowladduna waa cidda kaliya ee xoog isticmaali karta si sharci ah , waase in si siman loo qaybiyo awooddii dowladda”ayuu hadalkiisa ku sii daray C/weli Maxamed Cali Gaas oo sheegay in dad badan ay qabaan in nidaamka federaalka uu sii kordhin karo qabyaaladda, taasina waa dhici kartaa ayuu yiri balse haddii dowladdii dhexe naga burburtay aan tijaabinno.

 

Ugu dambeyntiina, Qurba-joogtii hadalkiisa dhegeysaneysay oo mar kale u mahadceliyay ayuu ugu baaqay in ay dalka ku laabtaan, isla markaana ay aqoonta ay fursadda u heleen ay dalkooda uga faa’iideeyaan.













 

Siyad Salah

[email protected]

Minneapolis, Minnesota