4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Ciidamada AMISOM oo lagu helay inay Toogasho ku dileen dad shacab ah oo u badan caruur aad u da’yar


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Guddi wadajir ah oo ka kooban AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa baaris ay ku sameeyeen kiis ku saabsanaa dil ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose, waxay ku heleen ciidamada AMISOM inay geysteen toogashada dadka rayidka ah ee lagu dilay deegaankaas.

Baarista ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay geysteen dilka toddoba qof oo shacab ah, kuwaasoo ay ku jiraan shan caruur ah, sida ay maanta oo Isniin ah daabacday wakaaladda wararka ee AP.

“Ciidamada AMISOM ayaa lagu helay inay toogasho ku dileen bartamihii bishii Jannaayo ee sannadkan dhowr qof oo u badan caruur da’yar,” ayaa lagu yiri warbixin ay guddiga baarista sameeyay soo saareen.

Dilkan ayaa dhashay kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay goor aroor hore ah weerareen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo halkaas ku sugnaa, iyadoo taliska AMISOM uu ku eedeeyay dilka shacabka Al-shabaab.

Taliyaha AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay markii xilligii uu falkan dhacay inay aad uga xun yihiin dhismashada dadka shacabka ah, isagoo ku eedeeyay falkaas inay geysatay Al-shabaab. Isagoo intaas ku daray in iyagu ay u taagan yihiin difaacidda shacabka Soomaaliyeed.

Al-shabaab ayaa markiiba iska fogeysay inay dilkaas geysatay, balse waxay sheegtay inay ka dambbeeyeen ciidamada Midowga Afrika ayna ka go’an tahay inay uga aargudaan.

Lama oga go’aanka ay taliska ciidamada Midowga Afrika ay ka qaadan doonaan askarigii falkaas geystay, iyagoo horay xabsi ugu xukumay askar dad shacab ah ku dilay Magaalada Muqdisho.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa weli qaarkood lagu daweynayaa isbitaallada magaalada Muqdisho, iyadoo dhaawacyada caruurta qaarkood ay yihiin kuwo aad u daran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya