4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Xafiisyadeeda ku yaalla Magaalada Nairobi ay u rarayso Magaalada Muqdisho

Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobayayaa shaacisay in dhammaan xafiisyadeeda ku yaala Magaalada Nairobi ay ugu soo rarayso sida ugu dhaqsiyaha badan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan xarunta dalka Soomaailya ee Muqdisho oo isbedel ammaan uu ka jiro.

Wakiilka xoghayaha guud ee ee dhinaca siyaasada, Jeffery Fartman oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York booqasho uu ku yimid Muqdisho kaddib ayaa sheegay in caasimada dalka Soomaaliya ay xiligan mareyso meel dadkeedu kasoo kabanayo burburkii ka gaaray dhanka dhaqaalaha iyo nolosha.

Sarkaalku wuxuu sheegay in muwaadiniinta ku nool xarunta Soomaaliya ay dareemayaan rajo cusub oo kasoo muuqata hoggaanka cusub ee dowladda Soomaaliya,  kaasoo ku yimid doorasho ay qabatay dowaladii hore ee KMG-ka ahayd.

“Qaramada Midoobay waa inay gacan ka geysato taageerada howsha ka socota Soomaaliya ee meesha wanaagsan maraysa; waxaynu rajeynaynaa in afarta sano ee soo socota ay Soomaaliya gaarto horumar intaan aad uga badan, ayna shacabku soo doortaan xildhibaannada baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Innagu waxaan xoogga saaraynaa in la sameyo dastuur joogta ah,’’ ayuu yiri Jaffrey.

Sarkaalka oo hadalkiisa si iwata ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu kula kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya xiligii uu socday shirkii Midowga Afrika, sidoo kale uu kula kulmay Muqdisho ra’iisul wasaaraha Soomaaliy, wasiirro ka tirsan xukuumadiisa iyo guddoonka baarlamaanka ayna isla garteen dhammaantood in xoogga la saaro sidii ammaanka dalka loosoo celin lahaa, loona horumarin lahaa hay’ado ay ka mid yihiin garsoorka, kuwa dhaqaalaha iyo maamulka.

Ugu dambeyn, wakiilka xoghayaha guud ee dhinaca siyaaadda wuxuu kusoo afjaray shirkiisa jaraa;id in Qaramada Midoobay ay ku dadaalayso sidii ay taageero buuxda u siin lahayd Soomaaliya iyo dowladda cusub,  isagoo hoosta ka xariiqay in xafiisyadii Ummadda Midoobay ee saldhiggoodu ahaa Nairobi loosoo wareejin doono Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya