4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
ICRC: Gargaar Xannaanada Xoolaha ah oo la gaarsiiyay 43,000 xoolo dhaqato ah oo ku nool Waqooyiga Soomaaliya

Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda ICRC ayaa waxay ku sheegtay in guddiga caalamiga ee Laan-qeyrta cas (ICRC) iyo mas’uuliyiinta xanaanada xoolaha Soomaaliya ay soo gaba-gabeeyay olole ballaaran oo lagu daweeyay 700,000 oo nee foo ku nool waqooyiga Somaaliya.

ICRC ayaa warbixinteeda kus heegtay in xoolahan oo isugu jiray geel, ido iyo ari kuna noolaa deegaanno ka tirasn gobollada Togdheer, Nugaal, Sanaag iyo Sool ayaa lagu sameeyay baaritaanno iyadoo daweeyay cudurro/dullin iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad.

“Ololaha waxaa ka faa’iideystay 43,000 qof oo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool,” ayaa lagu yiri warbixinta ay ICRC soo saartay. Waxaana ay hay’addu sheegtay in howshan ay qayb ka tahay gargaarka ay Soomaaliya kawadaan.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in xoolo dhaqato badan ay noloshoodu khatar ku jirto, iyadoo taas ku macnaysay inaysan haysan adeeg caafimaad oo la isku halleyn karo; iyadoo ay u dheer-tahay xaaladaha ammaanka ee dagaallada la xiriira iyo waliba musiibooyinka, taasoo ku khasbaysa inay guur-guuraan.

“Xoolaha waxay si gaar ah muhiimad ugu leeyihiin bulshooyinka deggen meelaha miyiga ah, kuwaasoo si aad ah ugu tiirsan daqligooda iyo sugnaanta cuntadooda,” sidaas waxaa yiri Patrick Vial oo ah madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya. “Xoolo-dhaqatada barakacay waxaa si xun u saameeyay helitaan xaddidan ee jidadka reer guuraaga ee caadada ah, goobaha daaqa, biyaha iyo adeegga xoolaha.”

ICRC-da iyo ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah u bixiyay dawada waxaana goobaha looga baahan yahay gaarsiiya mas’uuliyiin iyaga la shaqeeya, taasina waxay ku timid hanaankooda shaqo ee dhexdhexaadka ah ee aan eexashada lahayn waxaana ka mid ah wadahal ay la galayaan qof waliba oo ay quseyso.

Maxamed Sheekh Cali oo ah isku-duwaha mashaariicda sugnaanta dhaqaale ee ICRC-da ee dalka ayaa isagoo sharraxaya ololahan wuxuu yiri:“Ololahan waxaa ka faa’iideystay xoolo-dhaqatada barakacay iyo bulshooyinka ay martida u yihiin. Xoolo-dhaqatada waxay ka caawineysaa inay dhowrtaan xoolaha oo ay ku tiirsan tahay noloshooda; iyadoo la yareynayo ku dhicista cudurrada, isla markaana la kordhinayo qiimaha suuqa ee xoolaha taasoo hagaajinaysa sugnaantooda dhaqaale.”

Ugu dambeyn, hay’adda ICRC waxay warbixinteeda kusoo gabgabeysay inay ka shaqeynaysay Soomaaliya illaa sannadkii 1977-dii, iyadoo si dhowna ula shaqeynaysa ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay sheegtay inay bixiso taageero deg-deg ah iyo mid fog intaba, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo isku fillaashaha bulshada. Sidoo kale waxay horumarisaa hay’addu ku dhaqanka xeerka caalamiga ah ee aadanimada isla markaana kormeertaa qaabka loola dhaqmo lahaystayaasha iyo xaalada gobaha lagu haysto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya