3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2013
Guddoomiyihii loosoo bedelay Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland oo Maanta si rasmi ah xilkiisii ula Wareegay

Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodi jeex Maxamed Maxamuud Jeeni Yare, ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilkii gudoomiyihii hore ee gobolka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje.

Xaflad balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cismaan Garaad soofe, ku simaha maayarka Hargeysa Cabdicasiis Cago Wayne, gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor Cali Sandule iyo Teliyeyaasha ciidamadda Asluubta iyo Badda iyo Marti sharaf kale oo ka dhacay hoolka wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa waxa xilka loogu kala wareejinayey gudoomiyiihii hore ee gobolka Maroodi jeex iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka loo soo magacaabay oo ah gudoomihii hore ee gobolka Sool Maxamed Maxamuud Jeeni yare oo maanta laga bilaabay noqon doono gudoomiyaha cusub ee gobolka Hargeysa .

Gudoomiyihii hore gobollka Maroodi jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji oo isna loo bedelay gobolka Togdheer, ayaa ka waramay mudadii uu xilka hayey waxyaalihii u qabsoomay, isagoo u mahadnaqay masuuliyiinta iyo shacabka reer Hargeysa ee sida fiican ula shaqeeyey, waxaanu shaqaalaha kula dardaarmay in sidii ay ula soo shaqeeyeen iyo si ka fiican ula shaqeeyaan badhasaabka cusub ee loo soo magacaabay gobolka.

Badhasaabka cusub ee gobolka Maroodi jeex Maxamed Maxamuud Jeeni Yare ayaa sheegay in xilkan balaadhan ee loo soo magacaabay ay dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland oo dhani si weyn ugu soo hambalyeeyeen xilkan loo soo magacaabay, kuwaas oo uu aad ugu mahadnaqay, kana codsaday in sidii loogu soo dhoweeyey loola shaqeeyo, maadaama oo caasimadii tahay kana hawl badan tahay gobolkii uu masuulka ka ahaa ee Sool.

Waxa kale oo uu u mahadnaqay madaxweynaha isku bedelka ku sameeyey gudoomiyeyaashii, waxaanu tilmaamay inuu madaxweynuhu waddo cusub hirgaliyey oo gudoomiye walba halkii uu ku dhashay laga soo kaxeeyey oo gobol kale loo mgacaabay taasina ay tahay talaabo wanaagsan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad Suufe ayaa isna sheegay inuu madaxweyne Siillaanyo ku talaabsaday go’aan geesinimo leh, isla markaana uu yahay madaxweynihii u horeeyey ee isku bedelada goboladda, waxa kale oo uu gudoomiyaha cusub ee gobolka Maroodi jeex usoo jeediyey in caasimaddu ka hawl badan tahay goboladda kale, isla markaana loo baahan yahay dulqaad iyo samir badan, maadaama oo labadda gobol ee uu ka soo shaqeeyey aad u kala duwan yihiin, isla markaana gobolka Hargeysa ka shaqo badan yahay goboladda kale, waxaanu ilaahay u baryey inuu hawshaa culus ilaahay ku asturo.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in badhasaabka cusub uu shaqada ka soo bilaabay xoghayaha dawladda hoose ee laascaanood, markii dambana uu noqday gudoomiyaha gobolka Sool, ka dibna uu halkii ka sii dalacay oo uu noqday gudoomiyaha caasimadda, taasina ay tahay dadaal badan iyo hawlgarnimo uu badhasaabku la yimid.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale kuwaas oo badhasaabka cusub ku soo dhoweeyey gobolka Maroodi jeex.

Si kastaba ha ahaatee, badhasaabkan cusub ee gobolka Maroodi jeex ayaa hore u ahaa gudoomiyihii gobolka Sool, waana markii ugu horeyey ee gudoomiyeyaasha la isku bedelo tan iyo intii Somaliland jirtay, waxaany talaabaddan isku bedelka aad usoo dhoweeyey dadweynaha Somaliland oo u arkay talaabo hore loo qaaday, maadaama oo wakhtigii hore masuulka laga dhigayo badhasaab deegaankiisa laga soo xuli jiray, balse imika la isku kala bedelay oo badhasaab waliba loo magacaaby meel aan deegaankiisa ahayn.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
2/10/2013 12:32 PM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Naadiga NBCC ayaa xalay bandhig sannadeedkiisa xog-waranka oo loogu gogol xaarayay sannad-guurada saddexaad ee naadiga. Bandhiggan oo ahaa mid in badan ka duwanaa bandhigyadii looga bartay naadiga ayaa wuxuu ka dhacay machadka culuunta sare ee BORAMA COLLEGE FOR ACADEMIC STUDIES.

2/10/2013 12:30 PM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Kooxda ciidanka asluubta ayaa maanta ku guuleysatay koobkii dowladda hoose ee degmada Boorame kaddib ciyaar maanta ka dhacay garoonka weyn ee magalaada Boorama ee Biroole, taasoo ahayd mid aad u xiiso badan.

2/10/2013 6:12 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Kismaayo laga dareemayaa diyaargarow ku aadan sidii dib loogu ambaqaadi lahaa shirkii maamul u sameynta Jubooyinkii, iyadoona maanta ilaa shalay ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka dagayeen wufuudii kala duwanayd ee shirka ka qeybqaadan lahayd.

2/10/2013 4:49 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xaqiijinta amniga aysan ku ekaan doonin magaalada Muqdisho oo kaliya, balse ay gaarsiin doonaan dalka oo dhan.

2/10/2013 4:48 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga furay hotel casri ah, iyadoo furitaankii hoteelkan ay ka qaybgaleen xubno ka socday dowaldda oo ay ka mid ahayd wasiir ku xigeenka wasaaradda khayraadka dalka, Siciido Xasan Cismaan, ganacsato, culummo, waxgarad iyo dadweyne kale.

2/10/2013 2:31 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Ummadaha Midoobay ayaa toddobaadka soo socda kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, iyadoo goluhu uu sheegay inay tixgelin doonaan warbixin ku saabsan doorka ay Qaramada Midoobay ku yeelanayso Soomaaliya mustaqbalka soo socda.

2/10/2013 2:30 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay shalay gallinkii dambe deegaan u dhexeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida uu sheegay sarkaal ka tisran ciidamada dowladda Soomaaliya.